Soomaaliya waxay u baahan tahay Hoggaan ‘Xilkasnimo’ leh

Tilmaamahaasi waa in ay huwan yihiin ‘hoggaan Xilkasnimo leh’ oo ah in uu qofku dareen gaar ah u leeyahay culeyska iyo qudsiyadda uu xilku leeyahay, si uu ugu guto qaab rumeynaya ujeeddooyinka xilka.

Hoggaamin xilkas ahi waa in ay abuurto ijmaac ummadeed oo, illaa heer macquul ah. Heer ka hortagaya in khilaafyada siyaasiga ahi aanay khatar ku noqon himilooyinka guud iyo wadajirka ummadda. Dadweynehu waa in ay iskood u akhrisan karaan xilkasnimadaas iyo himilooyinka la tiigsanayo, si ay kalsooni u siiyaan hoggaaminta jirta.

Hoggaamiyeyaasha, hadda, jira ee Soomaaliya intooda badan waxa ay la’ yihiin tilmaantaas ‘hoggaamin xilkas ah’ iyo aragti mustaqbal oo durugsan. Iyada oo ay ugu wacan tahay muddada dheer ee ay jirtay ‘marnaanta’ awood-dhexe iyo haybad hoggaamineed, waxa ay siyaasiyiinta Soomaaliya noqdeen nuqul soo noqnoqda oo xambaarsan tilmaamihii qabqableyaasha. Haddii, berigii hore, uu qabqable dagaal oo ku hubeysan hub shisheeye iyo maleeshiyo qabiil weerari jiray goob si uu u qabsado una dhigto isbaaro uu baad kaga qaado dadka, maanta siyaasiga u ordaya hoggaamintu waxa uu u socdaa in uu ‘lacag’ iyo taageero shisheeye ku gaadho Filla Soomaaliya kuna haysto ‘hub iyo ilaalo’ shisheeye, si uu ilaha dakhliga ee kooban uga urursado cashuur aan adeeg laga bixin taas oo la mid noqonaysa baaddii ay qabqableha iyo maleeshiyaadkiisu qaadi jireen.

Madaxweyneha hadda, Xasan Sheekh Maxamuud, sida kuwii ka horreeyayba, waxa uu wax ku xukumayaa hoggaamin qaybineed oo dib u celinaysa dawlad-dhiskii uu diinku siday, rubuc qarniga. Weli, waxa ay dawladdu ku tiirsan tahay ciidamo shisheeye oo laga daalay qaaraanka shisheeye ee lagu maamulo, aragtida siyaasadeedna waxa ay gebi ahaanba ku saabsan tahay ‘doorashada’ soo socota oo ay hoggaamiyeyaashu u loogi karaan mustaqbalka dawladeed iyo wadajirta ummadda, middaas ayaanu Madaxweyne Xasan hoggaaminayaa.

Soomaaliya, hadda, waa ay ka qaybsanaan badan tahay sidii ay ahayd bilowgii 1991-kii, sababta oo ah ‘qaybsanaanta’ jirta hadda waxa ay ku sharciyeysan tahay nidaamka federaalka, iyada oo aanay dhisnayn maamullo dhab ah oo federaal ah iyo dawlad dhexe oo hawlgal ahi. Hoggaaminta xilkaska ah ee bulsho qalalaase ku soo jirtay waa sida qalliin culus oo lagu sameynayo bukaan leh cudurro waaweyn oo u baahan taxaddar dheeri ah si loo xaqiijiyo yoolka bogsashada, iyada oo laga baxsanayo in qalliinka laftiisu uu uga sii daro xaaladda bukaanka ama noloshiisa – waa taxaddar uu fahmi karo dhakhtar qalliin oo xilkas ahi, Soomaaliyana, maaddaama oo ay tahay dal sida bukaankaas ah, waxa ay u baahan tahay hoggaamiye xilkas u ah sida dhakhtarka la rabo in uu fuliyo qalliin noocaas ah oo guuleysta.

Soomaaliya, oo uu Madaxweyne Xasan ka yahay, waxa ay qarka u saaran tahay in ay burburto in dalka aado doorasho loo dhan yahay, sababo la xiriira musuq-maasuq baahsan oo u muuqda in lagu helo duco iyo qaddarin xilliyada caadiga ah ee khudbadaha Jimcaha ee Masjidka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu qaabeeyay Dastuur u gaar ah Baarlamaanka u meelmariyeen. Waxaana halkaas ka maqan la tashiyo nooc kasta ah, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa ka maqan. Xaaladdan oo ah awood-xoogsi aan la xakamayn iyo musuq-maasuq qaawan, ayaa hareeyay hoggaanka Madaxweyne Xasan waxa uu marag madoon u yahay khatarta ka iman karta burburinta mabaadi’da dimuqraadiyadda ah.

Dabeecadda baahsan ee xatooyada hantida dadweynaha, bililiqada, iyo dhul-qabsiga ma ahan oo kaliya in ay wiiqaan dadaallada dib u dhiska hay’adaha dawliga ah ee waxay sidoo kale sii wateen xasillooni darro iyo colaado, taasoo caqabad ku noqotay wadadii Soomaaliya ee nabadda iyo barwaaqada.

Soomaaliya ma awoodi karto xukuumad u talisa nafteeda ee aan dadkeeda u talin. Waxaan u baahannahay hoggaan mudnaanta siiya dhismaha kalsoonida shacabka iyo aaminadda ay dowladda ku qabaan, taasoo ku imaan karta caddaalad, sinnaan, hawl hufnaan, karti iyo waxqabad. Waa in aynaan daawan danyarta xaqooda la duudsiinayo, waa in innagoo isku duuban aan ka hortagno imbaraadooriyadda musuqa iyo maamulka dhiigmiiradka ah ee jidka burburka inoo wada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *