Xaaladda maqnaanshaha hoggaan han sarre leh waxaa maanta ka darran wacyiga bulshada ee la qabsaday ‘marnaanta awoodda iyo haybadda’ ee ay adag tahay in lagu qanciyo in hoggaamiye gaar ahi uu xambaarsan yahay himilooyin qaran iyo aragti fog oo dan ummadeed xambaarsan. Sidaa awgeed, xilka hoggaamineed ee Soomaaliya ma aha mid fudud. Sababta oo ah waxa jira dhibaatooyin mashaqo gaarsiisan oo ku saabsan dawladnimada. Waa dhibaatooyin ku aroora dhaqanka bulsho ee qabiilka oo ay uga sii dareen in ka badan soddon sannadood oo ah ‘marnaan awoodeed oo qiyam iyo dhaqan ku dayasho mudan leh’ iyo mid haybadeed.
Haybaddaas luntay waxa ay keentay in ay kacaamaan facyow bulsho oo aan rumeysnayn ‘hoggaamiye’ wanaagsan, iyo facyow siyaasi ah oo aan lahayn ‘aragti’ dawladeed. Arrintaas oo sii xoojinaysa meertada haybadda hoggaamineed ee ka hanaqaadday Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe.
Soomaaliya, waxa ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh tilmaamo qofeed oo gaar ah. Waxa ay Soomaaliya u baahan tahay hoggaamiye ay aragtidiisu dhaafsan tahay muddo xileedka taagan, iyo danta qofeed ee gaaban. Qof iyo qofaf male-awaali kara Soomaaliya ka duwan midda ay tahay oo ku dhisan shuruudaha dawladnimo gudan karta ujeeddooyinkeeda oo ku dhisan baahiyaha Soomaalida. Cidda aragtidaas iyo fogaan-araggaas leh waa in ay yeelato xirfaddii iyo farsamooyinkii lagu hirgelin lahaa, arrintaas oo u baahan fahan qotodheer oo ku saabsan Soomaalida, dhaqan ahaan, sooyaal ahaan iyo nafsad ahaan, iyo kartidii lagula hadli lahaa laguna maamuli lahaa shacabka Soomaaliya.
Tilmaamahaasi waa in ay huwan yihiin ‘hoggaan Xilkasnimo leh’ oo ah in uu qofku dareen gaar ah u leeyahay culeyska iyo qudsiyadda uu xilku leeyahay, si uu ugu guto qaab rumeynaya ujeeddooyinka xilka.
Hoggaamin xilkas ahi waa in ay abuurto ijmaac ummadeed oo, illaa heer macquul ah. Heer ka hortagaya in khilaafyada siyaasiga ahi aanay khatar ku noqon himilooyinka guud iyo wadajirka ummadda. Dadweynehu waa in ay iskood u akhrisan karaan xilkasnimadaas iyo himilooyinka la tiigsanayo, si ay kalsooni u siiyaan hoggaaminta jirta.
Hoggaamiyeyaasha, hadda, jira ee Soomaaliya intooda badan waxa ay la’ yihiin tilmaantaas ‘hoggaamin xilkas ah’ iyo aragti mustaqbal oo durugsan. Iyada oo ay ugu wacan tahay muddada dheer ee ay jirtay ‘marnaanta’ awood-dhexe iyo haybad hoggaamineed, waxa ay siyaasiyiinta Soomaaliya noqdeen nuqul soo noqnoqda oo xambaarsan tilmaamihii qabqableyaasha. Haddii, berigii hore, uu qabqable dagaal oo ku hubeysan hub shisheeye iyo maleeshiyo qabiil weerari jiray goob si uu u qabsado una dhigto isbaaro uu baad kaga qaado dadka, maanta siyaasiga u ordaya hoggaamintu waxa uu u socdaa in uu ‘lacag’ iyo taageero shisheeye ku gaadho Filla Soomaaliya kuna haysto ‘hub iyo ilaalo’ shisheeye, si uu ilaha dakhliga ee kooban uga urursado cashuur aan adeeg laga bixin taas oo la mid noqonaysa baaddii ay qabqableha iyo maleeshiyaadkiisu qaadi jireen.
Madaxweyneha hadda, Xasan Sheekh Maxamuud, sida kuwii ka horreeyayba, waxa uu wax ku xukumayaa hoggaamin qaybineed oo dib u celinaysa dawlad-dhiskii uu diinku siday, rubuc qarniga. Weli, waxa ay dawladdu ku tiirsan tahay ciidamo shisheeye oo laga daalay qaaraanka shisheeye ee lagu maamulo, aragtida siyaasadeedna waxa ay gebi ahaanba ku saabsan tahay ‘doorashada’ soo socota oo ay hoggaamiyeyaashu u loogi karaan mustaqbalka dawladeed iyo wadajirta ummadda, middaas ayaanu Madaxweyne Xasan hoggaaminayaa.
Soomaaliya, hadda, waa ay ka qaybsanaan badan tahay sidii ay ahayd bilowgii 1991-kii, sababta oo ah ‘qaybsanaanta’ jirta hadda waxa ay ku sharciyeysan tahay nidaamka federaalka, iyada oo aanay dhisnayn maamullo dhab ah oo federaal ah iyo dawlad dhexe oo hawlgal ahi. Hoggaaminta xilkaska ah ee bulsho qalalaase ku soo jirtay waa sida qalliin culus oo lagu sameynayo bukaan leh cudurro waaweyn oo u baahan taxaddar dheeri ah si loo xaqiijiyo yoolka bogsashada, iyada oo laga baxsanayo in qalliinka laftiisu uu uga sii daro xaaladda bukaanka ama noloshiisa – waa taxaddar uu fahmi karo dhakhtar qalliin oo xilkas ahi, Soomaaliyana, maaddaama oo ay tahay dal sida bukaankaas ah, waxa ay u baahan tahay hoggaamiye xilkas u ah sida dhakhtarka la rabo in uu fuliyo qalliin noocaas ah oo guuleysta.
Soomaaliya, oo uu Madaxweyne Xasan ka yahay, waxa ay qarka u saaran tahay in ay burburto in dalka aado doorasho loo dhan yahay, sababo la xiriira musuq-maasuq baahsan oo u muuqda in lagu helo duco iyo qaddarin xilliyada caadiga ah ee khudbadaha Jimcaha ee Masjidka Madaxtooyada.
Madaxweynuhu wuxuu qaabeeyay Dastuur u gaar ah Baarlamaanka u meelmariyeen. Waxaana halkaas ka maqan la tashiyo nooc kasta ah, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa ka maqan. Xaaladdan oo ah awood-xoogsi aan la xakamayn iyo musuq-maasuq qaawan, ayaa hareeyay hoggaanka Madaxweyne Xasan waxa uu marag madoon u yahay khatarta ka iman karta burburinta mabaadi’da dimuqraadiyadda ah.
Dabeecadda baahsan ee xatooyada hantida dadweynaha, bililiqada, iyo dhul-qabsiga ma ahan oo kaliya in ay wiiqaan dadaallada dib u dhiska hay’adaha dawliga ah ee waxay sidoo kale sii wateen xasillooni darro iyo colaado, taasoo caqabad ku noqotay wadadii Soomaaliya ee nabadda iyo barwaaqada.
Soomaaliya ma awoodi karto xukuumad u talisa nafteeda ee aan dadkeeda u talin. Waxaan u baahannahay hoggaan mudnaanta siiya dhismaha kalsoonida shacabka iyo aaminadda ay dowladda ku qabaan, taasoo ku imaan karta caddaalad, sinnaan, hawl hufnaan, karti iyo waxqabad. Waa in aynaan daawan danyarta xaqooda la duudsiinayo, waa in innagoo isku duuban aan ka hortagno imbaraadooriyadda musuqa iyo maamulka dhiigmiiradka ah ee jidka burburka inoo wada.