Nidaam Dowladnimo Aan Horey Loo Arag

2020 - 2030

Manifestada Qaransoor

donate

Nagu Tabaruc Maanta!

Ka Qaybqaado Wax Ku Biirinta, Dalkaaga Ku Faan!

Hiigsiga, Xisbiga Qaransoor

U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Dib-u-habeyn wax ku ool ah ayaa gacan ka geysan karta kobcinta xasilloonida bulshada dhexdeeda, iyo furitaanka awoodda dhaqaale.

Mabaadii'da Guud

Caddaalada & Garsoorka

Caddaalad in la dhiso oo lagu dhaqmo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagan tahay Xisbiga Qaransoor

Nidaam Waxbarasho bilaash ah

Dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan illaalinta caqlaaqda, diinta Islaamka, teknollijiyada, soo saarista xirfadleyaal iyo illaalinta taariikhda ummada Soomaaliyeed."

Dhisida Awood Militari & Haayad Sirdoon

U hawlgelida sidii loo dhisi lahaa awood ciidan iyo haayad sirdoon qaran oo tayo fiican leh.

Dhisida Nidaam Dhaqaale

Dhisida nidaam dhaqaale oo ku dhisan Illaalinta xaqquuqal insaanka, rag iyo dumarba la siiyo fursado loo siman yahay.

Qodista Shidaalka Dalkeena

Qodista shidaalka waxay horseed u tahay dhisida nidaam waxbarasho oo tayo leh, aanan kaalmo loo weydiisanin dalal shisheeye ama haayado shisheeye iyo dhisida awooda militari.

Horumarinta Caafimaadka Bulshada

Hooyo walbo oo Soomaaliyeed waxay xaq u yeelanaysaa inay hesho goob caafimaad oo ay ku dhasho oo lacag la'aan ah. - Waa qorshaha nidaamka iyo meelmarinta Siyaasadda caafimaadka ee siyaasada Xisbiga Qaransoor.

In magaca Madaxweyne Maamul Hebel La Bedelo

Dhacdooyinkii soo maray dalka waxaa laga baran karaa in maamulada qaar aysan isu arkin inay yihiin qeyb ka tirsan Soomaaliya ee ay isu arkeen inay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya, waxayna keentay kala fogaansho xagga bulshada dhexdeeda ah.

Dabar-goynta Qaadka, Daroogada & Hashiiska

Qabiilka waa midka dumiyey qarankii Soomaaliyeed, hadaba mala socotaa in qaadkuna yahay mataankiisa, kaas oo qallajiyey dhaqankii, dhaqaalihii iyo dheecaankii dadka Soomaaliyeed?

Shaqo Abuurista iyo Badbaadinta Nolosha Bulshada

Badbaadinta nolosha bulshada, joojinta tahriibka dhalinyarada iyo xagjirnimada waxaa loogu hortagi karaa shaqo abuuris ku dhisan caddaalad. "Bartilmaameedka saxda ah ee siyaasada shaqada waa shaqo helis sareyso iyo shaqo la’aan hooseysa.

Abuurista Tartan Ganacsi iyo Fursad Siinta Hal-abuurayaasha

Siyaasada Xisbiga Qaransoor ee ku dhisan fursad siinta hal abuurayaasha ganacsatada waxay horseed u tahay shaqo abuurista muwaadiniinta iyo xoojinta dhaqaalaha dalka. Sidaas awgeed, tartanka ganacsiga wuxuu xoojiyaa dareenka hal abuurayaasha, wuxuuna abuuraa dhaqaallo iyo isbedel.

Mamnuucista Shacab Hub-qaadashada

U hawlgelida siddii guud ahaan dalka loogu mamnuuci lahaa shacab hub qaadashada, si ummada Soomaaliyeed markale loogu illaaliyo dagaal sokeeye.

La Xisaabtanka Haayadaha NGO-yada iyo Kuwa Lamidka ah

Caalam ahaan NGO-yada, waa kuwa laga warhaayo, Soomaali badana way ku baraarugsan tahay laakiin inta badan waxa laga raacaa masaalixda gaarka ah ama inaan waxba laga qaban karin, madamaa uusan jirin qaran xoog leh." - Wax waa laga qaban karaa.

Hadafka iyo Himilada

Hiigsiga

U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Himilada

U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Qiyamka

U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Ma dooneysaa qarannimo ?
Soomaaliyeed

Farriin

Hoggaamiyaha

Codkaaga ku biiri
Cabdijabaar Sheikh

Ujeedka Qaransoor waa u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni. Sharaf iyo qiyam wanaagsan ku leh masraxa dunida isbeddelka joogtada ah ku socda.

Dastuurka
Qaransoor!

Wararka

Caddaalada iyo Garsoorka – Mabaadiida Qaransoor

Mid ka mid ah mabaadi’da guud ee Xisbiga Qaransoor waa caddaaladda iyo garsoorka, kuwaasoo ah tiirarka aasaasiga ah ee xisbiga ku taagan yahay. Caddaalad in la dhiso oo lagu dhaqmo waa sabab muhiim ah oo ka mid ah ujeedooyinka xisbiga, waxaana loo arkaa dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo horumar waara, xasilooni, iyo kalsooni shacabka. […]

Kaalinta Dhallinyarada ee Isbeddelka iyo Horumarka Bulshada iyo Fursadaha ay ka Heli Karaaan Ka Mid Noqoshada Xisbiga Qaransoor

Dhallinyaradu waa tiirka ugu muhiimsan ee bulsho kasta ka taageera isbeddelka iyo horumarka. Waa jiilka leh tamar, hal-abuur, iyo fikrado cusub oo bulshadu ku gaari karto horumar waara. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay maanta haystaan fursad dahabi ah oo ay kaga qayb qaadan karaan isbeddel dhab ah oo siyaasadeed iyo bulsho, iyagoo garab taagan xisbiga Qaransoor (Q) […]

Mowqifka Qaransoor ee ku aaddan wadahadalada u dhexeeya saddexda xisbi iyo xukuumadda waqtigeedu dhammaanayo

Xisbiga Qaransoor, oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee sida sharci ah uga diiwaangashan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu maanta halkaan ka caddeynayaa mowqifkiisa ku aaddan wadahadalada dhawaan dhexmaray saddex xisbi oo kamid ah 61-ka xisbi ee dalka iyo xukuumadda waqtigeedu dhammaanayo. Xisbiga Qaransoor wuxuu si rasmi ah u sheegaya in wadahadaladaasi ay ahaayeen kuwo laqdabo […]