Mowqifka Qaransoor ee ku aaddan wadahadalada u dhexeeya saddexda xisbi iyo xukuumadda waqtigeedu dhammaanayo

Xisbiga Qaransoor, oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee sida sharci ah uga diiwaangashan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu maanta halkaan ka caddeynayaa mowqifkiisa ku aaddan wadahadalada dhawaan dhexmaray saddex xisbi oo kamid ah 61-ka xisbi ee dalka iyo xukuumadda waqtigeedu dhammaanayo.

Xisbiga Qaransoor wuxuu si rasmi ah u sheegaya in wadahadaladaasi ay ahaayeen kuwo laqdabo ah, aan lagu saleyn daahfurnaan, caddaalad iyo hufnaan siyaasadeed. Waxaa si cad u muuqata in aan la marin waddo sharci ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan xisbiyada dalka, taas oo muujineysa in geeddi-socodkii dimuqraadiyadda lagu beddelay qorshe gaar ah oo kooxo kooban ay dano siyaasadeed ka leeyihiin.

Waxaa laga filayey in wadahadallada noocan oo kale ah ay noqdaan kuwo ay qayb ka yihiin dhammaan xisbiyada si wadajir ah looga shaqeeyo danta guud ee ummadda, balse taa beddelkeeda waxaa muuqata in la abuuray hannaan lagu kala fogeynayo xisbiyada, laguna xoojinayo awoodda kooxo gaar ah oo aan matalin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Xisbiga Qaransoor wuxuu si adag u cambaareynayaa tallaabadan, wuxuuna u arkaa mid dhaawacaysa sumcadda siyaasadda dalka, burinaysa kalsoonidii shacabka iyo xisbiyada, isla markaana abuureysa jawi muran iyo is-aamin darro siyaasadeed oo horseedi karta xasillooni darro mustaqbalka dhow.

Qiyaanada siyaasadeed ee muuqata

Sida uu xisbiga Qaransoor rumeysan yahay, dowladda waqtigeedu dhammaanayo iyo saddexda xisbi ee la fadhiistay waxay sameeyeen tallaabo cad oo lagu khiyaamaynayo xisbiyada kale, looguna adeegayo dano gaar ah oo aan ku dhisneyn danta guud. Arrintaasi waa mid ka baxsan dhaqanka siyaasadeed ee dimuqraadiyadda, waxayna muujineysaa in la doonayo in lagu sii wado nidaamkii qabiilka iyo 4.5-ka oo ah mid taariikh ahaan caqabad ku noqday horumarka dalka.

Xisbiga Qaransoor wuxuu ku tilmaamayaa wadahadaladaasi kuwo aan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana aan lagu saleeyn rabitaanka shacabka. Ma jirto cid u matalaysa xisbiyada siyaasadda ee dalka si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka. Sidaa darteed, go’aannada ka soo baxa wadahadaladaas waa kuwo aan sharciyad lahayn, kana hor imaanaya mabda’a sinaanta iyo daahfurnaanta ee dimuqraadiyadda.

Dowladda waqtigeedu dhammaanayo iyo guddiga doorashooyinka

Xisbiga Qaransoor wuxuu si cad u muujinayaa in dowladda hadda jirta, maadaama waqtigeedu gabaabsi yahay, aysan sharci ahaan awood u lahayn inay qaadato go’aanno waaweyn oo saameynaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa intaa dheer in guddiga doorashooyinka ee uu magacaabay madaxweynaha uu yahay mid aan madax-bannaani lahayn, kaas oo aan ku dhisneyn cadaalad, sinnaan iyo matalaad dhab ah. Sidaas awgeed, guddigaasi ma noqon karo mid lagu kalsoonaan karo marka la doonayo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah.

Xisbiga Qaransoor wuxuu qabaa in qorshaha socda uu yahay mid lagu doonayo in lagu sii wado nidaamkii hore ee awoodda lagu qaybsan jiray si aan caddaalad ku dhisnayn, taas oo si toos ah u dhaawacaysa himiladii shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo daahfuran.

Baaq iyo digniin

Xisbiga Qaransoor wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xisbiyada kale ee dalka ee weli rumeysan dimuqraadiyadda, hufnaanta iyo dawlad wanaagga inay ka dhiidhiyaan tallaabooyinkan mugdiga ah. Waxaa lagama maarmaan ah in la isku duubo si wadajir ahna looga hortago qorshayaasha siyaasadeed ee aan sharciyadda ku dhisnayn, kuwaas oo khatar gelinaya mustaqbalka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in xisbiyada dalka ay yeeshaan mowqif mideysan oo lagu difaacayo xuquuqda siyaasadeed ee shacabka, laguna ilaaliyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee muddo dheer la sugayay. Haddii la iska daayo qorshayaasha socda, waxaa halis ah in dalka dib ugu laabto marxaladihii mugdiga ahaa ee siyaasadeed ee hore, taas oo dhaawici karta midnimada iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliyeed.

Rajada doorashada iyo jidka hore

Rajadii laga qabay in Soomaaliya ay gaarto doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah maanta waxay maraysaa heerkii ugu hooseeyay. Qof kasta oo daneeya danta qaranka waa inuu fahmaa in aan la sii wadi karin nidaam aan cadaalad iyo daahfurnaan ku dhisnayn. Xisbiga Qaransoor wuxuu rumeysan yahay in waddada kaliya ee lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah ay tahay in la sameeyo isbeddel dhab ah oo lagu dhisayo hannaan siyaasadeed oo ku saleysan daahfurnaan, caddaalad iyo matalaad dhab ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku kalsoon yihiin.

Waxaa lama huraan ah in la sameeyo guddiyo madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo, lagana saaro saameynta siyaasadeed ee kooxda awoodda haysa. Sidoo kale waa in la xaqiijiyaa in xisbiyada siyaasadda ay si siman u helaan fursad ay uga qaybqaataan go’aannada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka iyo siyaasadda guud ee dalka.

Ugu dambeyntii, Xisbiga Qaransoor wuxuu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa ah in wadahadalada u dhexeeya saddexda xisbi iyo xukuumadda waqtigeedu dhammaanayo ay yihiin kuwo aan sharciyad lahayn, laguna saleeyay dano gaar ah oo siyaasadeed. Xisbiga Qaransoor wuxuu ku baaqayaa in dalka laga badbaadiyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu sii fogeeyo nidaamka dimuqraadiyadda iyo dawladnimada.

Xisbiga Qaransoor wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan xisbiyada kale, ururada bulshada iyo shacabka Soomaaliyeed si loo dhiso hannaan siyaasadeed oo daahfuran, hufan, caddaalad ku dhisan, laguna gaaro doorasho xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

Xisbiga Qaransoor wuxuu ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay feejignaadaan, kana dhiidhiyaan isku day kasta oo lagu marin habaabinayo rabitaankooda siyaasadeed. Dimuqraadiyaddu waa hantida ugu weyn ee ummaddu leedahay, waxaana waajib ah in si wadajir ah loo ilaaliyo, loogana hortago cid kasta oo isku dayda inay ku takri-fasho awoodda siyaasadeed ee shacabka.


Waxaa qoray Hoggaamiyaha Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *