Muqdisho 01.06.2025 – Qaransoor ayaa maanta ka qeyb gashay kulanka loogu yeeray ‘Ka talo Gelinta Ururrada Siyaasadda ee Soo Gudbinta Liiska Magacaabista Musharaxiinta’. waxaana Qaransoor ugu qeyb galay Xoghaayaha Guud Mudane Maxamed Aadan Maxamed Afrax.
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan u jeedadiisu ahayd ka talo-gelinta Ururrada Siyaasadda ee soo gudbinta liiska magacaabista musharaxiinta la qaatay Ururrada Siyaasadda ee dalka. Munaabadda kulanka ayaa waxaa ka soo qayb-galay madaxda sare ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo madaxda Ururrada Siyaasadda rasmiga ah u diiwaan-gashan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa kulanka ugu horayn Ururrada Siyaasadda uga warbixiyey, ololaha diiwaan-gellinta Codbixiyeyaasha ee ka socda gobolka Banaadir, asigoo sheegay in 60 xarun oo lagu diiwaan-galiyo codbixiyaasha ay ka furan tahay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in 10-ka Juun, ololaha diiwaan-galinta Codbixiyaasha laga bilaabi doona magaalooyinka kala ah: Baydhabo, Jowhar, Dhuusamareeb, iyo Laascaanod.
Wa Billaahi Towfiiq