Maanta ay taariikhda ku beegan tahay 12.5.2025, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku qabsoomay shirweyne si heer sarre loo soo aggaasimay. Shirkaas waxaa kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan, oo ay kamid yihiin xildhibaano, aqoonyahaanno, oday dhaqmeedyo, iyo bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan.
Shirka ayaa daarnaa soo bandhigidda shirweynaha qaran ee urrur siyaasadeedka Qaransoor, inta uu shirka socday waxaa madasha hadallo kasoo jeediyay martida iyo masuuliyiinta Qaransoor ayagoo muujinnaya dareenkooda taageeridda Qaransoor.
Intii uu shirku socday, waxaa si qotodheer loo gorfeeyay qodobo muhiim u ah xaaladda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Xaaladda amniga ee dalka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo la dagaalanka kooxaha amni darrada abuuraya. Dib-u-xoreynta dalka, iyadoo la xusay in ay waajib tahay garab istaagga iyo taageeridda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Arrimaha doorashooyinka, oo ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo daah-furan, loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo doorashooyin cadaalad ah oo dalka ka dhaca.
Shirweynahan ayaa la filayaa in uu horseedo isbeddel siyaasadeed oo hor leh, isla markaana uu xoojiyo doorka ururka Qaransoor ee siyaasadda dalka Soomaaliya.
