Xisbiga Qaransoor
Tan iyo markii la aasaasay 15 maarso, 2020, Xisbiga Qaransoor (Q) ayaa raba inuu dalka ka hirgeliyo Dib u Habeyn Siyaasadeed oo Cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirigeliya danaha ummada, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.
Xisbiga Qaransoor waa xisbi siyaasadeed abaabulan, waxaanu nahay dad isku mowqif iyo mabda’a ah, lehna mowqif siyaasadeed, isla markaana soo bandhigi doona musharrixiinta doorashooyinka qaran iyo mid deegaanba. Waxa aan garab taaganahay Musharaxeena Madaxweyne Qaran (Hoggaamiyaha Xisbiga) si aan u meelmarino ajandaheena siyaasadeed ee dib-u-soo celinta qarannimada ummada Soomaaliyeed
Waxaanu la soconaa in bulshada soomaaliyeed ay maanta u ooman yihiin nidaam dib-u-habeyn siyaasadeed si loo hagaajiyo hannaanka go’aan qaadashada qaranka, la hubiyo matalaadda caddaaladda ee kooxaha bulshada, iyo in la kordhiyo hufnaanta iyo la xisaabtanka howlaha dowladda.
Mabaadii'da Guud
Caddaalada & Garsoorka
Caddaalad in la dhiso oo lagu dhaqmo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagan tahay Xisbiga Qaransoor
Nidaam Waxbarasho bilaash ah
Dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan illaalinta caqlaaqda, diinta Islaamka, teknollijiyada, soo saarista xirfadleyaal iyo illaalinta taariikhda ummada Soomaaliyeed."
Dhisida Awood Militari & Haayad Sirdoon
U hawlgelida sidii loo dhisi lahaa awood ciidan iyo haayad sirdoon qaran oo tayo fiican leh.
Dhisida Nidaam Dhaqaale
Dhisida nidaam dhaqaale oo ku dhisan Illaalinta xaqquuqal insaanka, rag iyo dumarba la siiyo fursado loo siman yahay.
Qodista Shidaalka Dalkeena
Qodista shidaalka waxay horseed u tahay dhisida nidaam waxbarasho oo tayo leh, aanan kaalmo loo weydiisanin dalal shisheeye ama haayado shisheeye iyo dhisida awooda militari.
Horumarinta Caafimaadka Bulshada
Hooyo walbo oo Soomaaliyeed waxay xaq u yeelanaysaa inay hesho goob caafimaad oo ay ku dhasho oo lacag la'aan ah. - Waa qorshaha nidaamka iyo meelmarinta Siyaasadda caafimaadka ee siyaasada Xisbiga Qaransoor.
In magaca Madaxweyne Maamul Hebel La Bedelo
Dhacdooyinkii soo maray dalka waxaa laga baran karaa in maamulada qaar aysan isu arkin inay yihiin qeyb ka tirsan Soomaaliya ee ay isu arkeen inay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya, waxayna keentay kala fogaansho xagga bulshada dhexdeeda ah.
Dabar-goynta Qaadka, Daroogada & Hashiiska
Qabiilka waa midka dumiyey qarankii Soomaaliyeed, hadaba mala socotaa in qaadkuna yahay mataankiisa, kaas oo qallajiyey dhaqankii, dhaqaalihii iyo dheecaankii dadka Soomaaliyeed?
Shaqo Abuurista iyo Badbaadinta Nolosha Bulshada
Badbaadinta nolosha bulshada, joojinta tahriibka dhalinyarada iyo xagjirnimada waxaa loogu hortagi karaa shaqo abuuris ku dhisan caddaalad. "Bartilmaameedka saxda ah ee siyaasada shaqada waa shaqo helis sareyso iyo shaqo la’aan hooseysa.
Abuurista Tartan Ganacsi iyo Fursad Siinta Hal-abuurayaasha
Siyaasada Xisbiga Qaransoor ee ku dhisan fursad siinta hal abuurayaasha ganacsatada waxay horseed u tahay shaqo abuurista muwaadiniinta iyo xoojinta dhaqaalaha dalka. Sidaas awgeed, tartanka ganacsiga wuxuu xoojiyaa dareenka hal abuurayaasha, wuxuuna abuuraa dhaqaallo iyo isbedel.
Mamnuucista Shacab Hub-qaadashada
U hawlgelida siddii guud ahaan dalka loogu mamnuuci lahaa shacab hub qaadashada, si ummada Soomaaliyeed markale loogu illaaliyo dagaal sokeeye.
La Xisaabtanka Haayadaha NGO-yada iyo Kuwa Lamidka ah
Caalam ahaan NGO-yada, waa kuwa laga warhaayo, Soomaali badana way ku baraarugsan tahay laakiin inta badan waxa laga raacaa masaalixda gaarka ah ama inaan waxba laga qaban karin, madamaa uusan jirin qaran xoog leh." - Wax waa laga qaban karaa.
Campaign is power
Tirada Xubnaha
Ololaha Siyaasadeed
Siyaasadaha la meel mariyey
Xarumaha Xisbiga
Hadafka iyo Himilada
Hiigsiga
Himilada