Shirka ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Maamulada Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.
Shirkan waxa uu dabasocday kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Dhuusamareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Dhuusamareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd.
Shirkaan Muqdisho lagu soo gebagabeeyey wuxuu dhammeytir u yahay heshiiskii Dhuusamareeb 3.
Inkastoo xisbiyadu aanan laga qeybgalinin wadatashigii dhexmaray dawladd gobolleedyada iyo Dawladda Federaalka, Xisbiga Qaransoor isagoo tixgelinaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee helista iyo rumaynta dawladd leh awood dhaqaale iyo siyaasadeedba wuxuu soo dhaweenayaa qoddobadii kasoo baxay wadatashigii Gobollada iyo Dawladda Federaalka. Waxaa laga maarman ah in marwalba kooxaha siyaasadeed ay tanaasul u sameeyan, oo ay danta guud hormariyaan. Xisbiga Qaransoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ogeysiinayaa in qabsoomidda wadatashigan ay ku lug lahaayeen dawladdo shisheeye ah.
Wuxuu kaloo xisbiga soomaaliyeed ee Qaransoor walaac farabadan ka muujinaya sharciga musharaxiinta oo run ahaantii takooraya dhalinyarta. Dawladnimado iyo dimuqraadoyad dhameystiran waxaa la heli karaa marka ka-qeybgal uu jiro, marka cidna aan gadaal looga tagin, iyo marka ay siyaasaddu noqoto mid loo wada dhanyahay.
Sida awgeed wuxuu xisbiga ka codsanaya Guddiyada Doorashooyinka in sharciga da’da musharxiinta hoos loo dhigo si dhalinyarta firfircoon ay fursadd u helaan.
Xisbiga Qaransoor wuxuu dhamaan ummadda Soomaaliyeed u ballaanqadaya in gacan uu siin doono xildhibaan walba oo ka shaqeeynaya danta shacabka. Wakhtigii qabyaaladda, dib-u-dhaca iyo is-naceybka wuu dhamaaday. Waxaa la jooga wakhtigii hormarka barwaaqo iyo nabadda.