Xubnaha

Maxamed Afrax
Maxamed Afrax
Xoghaayaha Guud

Maxamed Aadan ?Afrax waa Xoghaayaha guud ee xisbiga Qaransoor. Wuxuu ku dhashay degmada Afgooye, Shabelleda Hoose, Soomaaliya. Waa muwaadin Somaaliyeed oo aaminsan in loo baahan yahay jiritaanka qarannimo Soomaaliyeed oo xoogan.

Wuxuu jaamacada heerkiisa koowaad ku qaatay dalka Yemen, wuxuuna bartay Maamulka iyo Maareynta. Wuxuu gudaha dalka Yemen lasoo shaqeeyey haayado kala duwan sida haayada ADRA oo ah haayad qeyri ah, machadka OSCAR uu macalin ka ahaa, Xoghaayaha Guud ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Yemen.? Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyey gudaha dalka, wuxuu bare Jaamacadeed ka yahay Golden University oo ku taalo magaalada Muqdisho, Soomaaliya.? Sidoo kale bare iyo Maamule Dugsiga Hoose Dhaxe Banaadir iskuul, sidoo kale? waxa uu maamule ka ahaa Xarunta Tabbabarka Xirfadleyda ee Top Center.

Wakhtigaan la joogo wuxuu u xuub siibtay sidii uu qarankiisa ugu hiilin lahaa, wuxuuna maanta ka tirsan yahay Xisbiga Qaransoor.

Barasho Wanaagsan!

Cabdijabaar Sh. Axmed
Cabdijabaar Sh. Axmed
Guddoomiyaha
Boos Banaan
Boos Banaan
Hoggaamiyaha

Xisbiga Qaransoor malahan maanta hoggaamiye si rasmi ah loo doortay, sababaha jira ayaa ah waxaan raadinaynaa hoggaamiye daacad ah, dhaqankiisuna yahay run-sheegis oo u qalmo inuu hoggaamiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.?

? Halkaan hoose ka akhriso sharuudaha loogu baahan yahay hoggaamiyaha xisbiga Qaransoor.

Qodobka 21aad ee dastuurka xisbiga: Hoggaamiyaha Xisbiga

  1. Hogaamiyaha xisbiga waxa dooranaya Shirwaynaha Xisbiga.
  2. Hoggaamiyaha waa qofka u tartamaayo Madaxweynaha dalka, waxa uu guddoominayaa shirwaynaha iyo fadhiyada golaha qaranka.
  3. ?Hoggaamiyaha waa inuu noqdaa hoggaamiye ka madax-banaan qabiil iyo koox kooxaysi, waa inuu noqdaa u doodaha dhibanaha iyo dadka xaquuqdooda laga inkiray.
  4. Hoggaamiye fulin kara mabaadii’da Xisbiga Qaransoor si qaranka loo marti sooro.
  5. Wuxuu masuul ka yahay diyaarinta hindise hoggaamineed ka, qorshaha istiraatiijiga ah ee lagu balaarinayo taageerayaasha xisbiga heer federaal, gobol, degmooyin iyo laamaha dibidda.
  6. Wuxuu baadigoobayaa taageerada maadiga iyo tan macnawiga ah ee xisbiga
  7. Wuxuu bidhaaminayaa hiraalada fog iyo hiigsiga xisbiga Qaransoor, wuxuuna saxiixaa heshiisyada iyo qoraalada rasmiga ah ee xisbiga.
  8. Waxa uu magaca xisbiga ku saxiixi karaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbiyada kale ka dib marka ay Golaha Fulinta ku ogolaato cod haldheeriya ah, dabadeed waxaa la hor keenayaa fadhiga ugu horeeya ee Galaha Qaranka.
  9. Wuxuu ku hadlaa magaca xisbiga kagana qayb gali karaa shirarka gudaha iyo dibada isaga oo aan ku xadgudbayn xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

Email: weydii@qaransoor.so

Telefoon:?+252 61 4555333

Wafa W. Axmed
Wafa W. Axmed
Arrimaha Haweenka, Caruurta & Xaquuqda Aadanaha

Wafa W. Axmed waa aqoonyahanad Soomaaliyeed oo wax ku baratay dalka Norway. Shahaadada 1aad ee jaamacada waxay baratay Farmasiga, sidoo kale waxay heerkeeda labaad ee jaamacada ka diyaarisay Farmasiga (Master of Pharmacy (MPharm) Pharmacists)

Waxay shahaadooyin xirfad leh ka haysataa kuliyada hoggaanka iyo maamulka. Waxayna la soo shaqeysay shirkadaha daawooyinka sida Boots, Opotek 1 iwm. Si aqoonteeda iyo qibradeeda ay wax ugu soo kordhiso dalkeeda? waxay si toos ah ugu mid noqotay xisbiga Qaransoor

Barasho Wanaagsan!

Jibriil Maxamed
Jibriil Maxamed
Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha

Jibriil Maxamed wuxuu ahaa safiirka hay’adda Association of Afrikan Descendents u fadhiya Midawga Afrika. Shaqadiisu waxay ahayd inuu ka shaqeeyo isku-xidhka labada hay’addood, soo bandhigidda danaha hay’adda uu ku matalo golaha, iyo wuxuu iskuduwe ka ahaa mashaariicda ay hay’adda qabato.

Shaqadii ugu muhiimsanayd uu qabtay waxay ahayd mid ay ku diyaariyay barnaamij uu ugu magac daray New Afrikan Civilazational and Developmental agenda, kaaso soo bandhigayay qaab-dhaqmeed siyaasadeed oo Afrika la hirgelin karo. Jebril wuxuu hay’addan kasoo ahaa Executive Director for East Northern Africa. Jibriil wuxuu kaloo ahaa country director u ahaa hay’adda Dhalinyarada isbeddel doonka afrikaanta ah ee Great Minds Empire. Shaqadiisu waxay ahayd in isku-xidhka dhalinyarada dalka iyo kuwa general Secretariat. Intuu xilkan hayay wuxuu ku guuleeystay in dhalinyarta ay u qabtaan siminaaro oo lagu hormarinayo xirfadfaha hogaamineed, Jibriil markuu hay’adda ka tagayay ilaa 150 arday buu ka shaqeeyay sidii xirfaddo hogaamiye u yeelan lahaayen.

Jibriil oo ah dadka u olaleeya haweenka iyo dhalinyarta, wuxuu hay’adda Orphanage and Destitute uu ahaa isku-duwaha mashruuca Gender Based Violence Officer. Shaqadiisu waxay ahayd inuu soo bandhigo sharciyo looga hortagiyo tacdiyaha loo geeysto dumarka. Wuxuu kaloo soo saadhi jiray farriimaha wacyigelinta. Waxay isaga iyo kooxdiisa ku guuleeysteen i bulshada ay wacyigelin uga sameeyan tacdiyahan dumarka loo geeysto. Jebril wuxuu kaloo fallanqeeye siyaasadeed uu u ahaa Telefishanka National Telegraph. Wuxuu kaloo maqaallo badan uu kaga warramayo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka uu ku qoray warbaahinada sida Modernghana, Somalitopnews iyo kuwa kaloo.

Waxbarasho:? -Jebriil wuxuu shahaadda heerks labaad ee Maareeynta maamulka iyo arrimaha siyaasadda ka heeysta jaamacadda Addis Ababa. Wuxuu shahaaddadii heerka koowaad ee Xidhiidhka Caalamka iyo Arrimaha Siyaasadda ka heeysta Jaamacadda Riftvalley University.

Jibriil wuxuu u istaagay u hiilinta dalkiisa iyo dadkiisa maantana wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Qaransoor.

Barasho Wanaagsan!

Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Madaxa Siyaasada Arrimaha Dibida
Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Madaxa Warfaafinta
Maxamedamin Axmed
Maxamedamin Axmed
Xoghaayaha Dhalinyarada & Ciyaaraha

Maxamedamin Axmed Siraad waa Xoghaayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Qaransoor. Wuxuu ku dhashy degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waa muwaadin Soomaaliyeed oo aaaminsan Jiritanka qaranimo Soomaaliyeed iyo Midnimada.

Heerkiisa koowaad ee jaamacada wuxuu ku qaatay dalka Kiinya, wuxuuna bartay Bachelor Of Gender Development Studies, waxuu kasoo shaqeeyay ORM company International Studies And Medical Treatment uu ka ahaa Programme Manager, haatana wuxuu la shaqeyaa haayada Save the Children waa Nutrition Officer.

Wuxuu ku matalaa xisbiga in la xoojiya kaalinta dhalinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada siyaasada dalka.?

Barasho Wanaagsan!

Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
siyaasada
Maxamed Hassan
Maxamed Hassan
Jaamici
Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Illaaliyaha Dastuurka & Ku Dhaqankiisa

Waa injineer ka tirsan shirkada sostec.

Asma Ibraahim Cali
Asma Ibraahim Cali
Xoghaayaha Xafiiska Diiwaan Gelinta

Asma Ibraahim waa Qoraa wax ka qorta Arimaha waddaniyada una olalaysa. Sidoo kale waa xubin ka tirsan Xisbiga Qaransoor.

Waxay ku dhalatay Magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya. Waa gabar Soomaaliyeed oo rumeysan in loo baahan yahay samatabixin dalka iyo dadkaba sidoo kalana ay ku weyn tahay Soomaalinnimada, Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed.

Waxay ka wax barataa mid ka mid ah jaamacadaha dalka, waxay ka daraasaysaa Culuumta Siyaasada iyo Xiriirada Caalamiga. Waxay diyaar u tahay dhalinta asaageed ah inay ku dhiirageliso doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin wadanka misna ay dareemaan macaaanka ay leedahay wadaniyada, waana sababta ay ugu soo biirtay Xisbiga Qaransoor.

Waxay tiri:,

Hadafkeyga waa: Dhalintoo is raacda, Ka dhiidhisa qabyaalada, Dhalisa nabad waarta, Dhexda xerta iminkaba

Barasho Wanaagsan!

Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Kuxigeenka Maaliyada & Xakameynta

Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil waa guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, wuxuu kusoo barbaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.?Cabdijabaar Sh. Axmed waa guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbiga Qaransoor loogu magacaabay si ku meel gaar ah (Guddoomiye KMG).

Waa muwaadin Soomaaliyeed oo bartay cilmiga Siyaasada, Falsafada iyo Dhaqaalaha oo ka diyaariyey Jaamacada The Open University BA (Honours) Politics, Philosophy and Economics ee dalka UK, sidoo kale wuxuu shahaadada heerka labaad ka diyaariyey Maamulka Ganacsiga Caalamiga.

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan.so wuxuu wax ka qoraa ganacsiga, maamulka, dhaqaalaha, falsafada, siyaasada, horumarinta bulshada iyo nabadgelyada. Waa aasaasaha Afrikaan oo ay wax ka qoraan in ka badan 70 qof, isla markaana ah agaasimaha guud.

Waxaad kala xariiri kartaa:

Emailka: guddoomiyaha@qaransoor.so

Facebooga riix halkaan: Abdijabaar Sh. Ahmed

Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Madaxa Maaliyada & Xakameynta

Xisbiga Qaransoor malahan manta hoggaamiye si rasmi ah loo doortay, sababaha jira ayaa ah waxaan raadinaynaa hoggaamiye daacad ah, dhaqankiisuna yahay run-sheegis oo u qalmo inuu hoggaamiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.?

– Halkaan hoose ka akhriso sharuudaha loogu baahan yahay hoggaamiyaha xisbiga Qaransoor.

Qodobka 21aad ee dastuurka xisbiga: Hoggaamiyaha Xisbiga

  1. Hogaamiyaha xisbiga waxa dooranaya Shirwaynha Xisbiga.
  2. Hoggaamiyaha waa qofka u tartamaayo Madaxweynaha dalka, waxa uu guddoominayaa shirwaynaha iyo fadhiyada golaha qaranka.
  3. ?Hoggaamiyaha waa inuu noqdaa hoggaamiye ka madax-banaan qabiil iyo koox kooxaysi, waa inuu noqdaa u doodaha dhibanaha iyo dadka xaquuqdooda laga inkiray.
  4. Wuxuu masuul ka yahay diyaarinta hindise hoggaamineed ka, qorshaha istiraatiijiga ah ee lagu balaarinayo taageerayaasha xisbiga heer federaal, gobol, degmooyin iyo laamaha dibidda.
  5. Wuxuu baadigoobayaa taageerada maadiga iyo tan macnawiga ah ee xisbiga
  6. Wuxuu bidhaaminayaa hiraalada fog iyo hiigsiga xisbiga, wuxuuna saxiixaa heshiisyada iyo qoraalada rasmiga ah ee xisbiga.
  7. Waxa uu magaca xisbiga ku saxiixi karaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbiyada kale ka dib marka ay Golaha Fulinta ku ogolaato cod haldheeriya ah, dabadeed waxaa la hor keenayaa fadhiga ugu horeeya ee Galaha Qaranka.
  8. Wuxuu ku hadlaa magaca xisbiga kagana qayb gali karaa shirarka gudaha iyo dibada isaga oo aan ku xadgudbayn xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

Haddii aad leedahay sifooyinkaas xisbiga Qaransoor waxay diyaar kuula tahay inay ku garab istaagto, nagala soo xariir:

Email: guddoomiyaha@qaransoor.so

Telefoon: +252 61 4555333

Wuu soo socdaa!
Wuu soo socdaa!
Madaxa Guddiga Olalaha Doorashooyinka Qaranka

Wafa W. Axmed is simply dummy text of the printing and typesetting industry. Lorem Ipsum has been the industry’s standard dummy text ever since the 1500s, when an unknown printer took a galley of type and scrambled it to make a type specimen book. It has survived not only five centuries, but also the leap into electronic typesetting, remaining essentially unchanged.

It was popularised in the 1960s with the release of Letraset sheets containing Lorem Ipsum passages, and more recently with desktop publishing software like Aldus PageMaker including versions of Lorem Ipsum.

U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Scroll to Top