Tan iyo markii la aasaasay 15 maarso, 2020, Xisbiga Qaransoor (Q) ayaa raba inuu dalka ka hirgeliyo Dib u Habeyn Siyaasadeed oo Cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirigeliya danaha ummada, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.
Hiigsiga xisbiga
U hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
Xisbiga Qaransoor waa xisbi siyaasadeed abaabulan, waxaanu nahay dad isku mowqif iyo mabda’a ah, lehna mowqif siyaasadeed, isla markaana soo bandhigi doona musharrixiinta doorashooyinka qaran iyo mid deegaanba. Waxa aan garab taaganahay Musharaxeena Madaxweyne Qaran (Hoggaamiyaha Xisbiga) si aan u meelmarino ajandaheena siyaasadeed ee dib-u-soo celinta qarannimada ummada Soomaaliyeed.
Waxaanu la soconaa in bulshada soomaaliyeed ay maanta u ooman yihiin nidaam dib-u-habeyn siyaasadeed si loo hagaajiyo hannaanka go’aan qaadashada qaranka, la hubiyo matalaadda caddaaladda ee kooxaha bulshada, iyo in la kordhiyo hufnaanta iyo la xisaabtanka howlaha dowladda.
Dib-u-habeyn wax ku ool ah ayaa gacan ka geysan karta kobcinta xasilloonida bulshada dhexdeeda, iyo furitaanka awoodda dhaqaale.
Tallaabooyinka dib-u-habeynta siyaasadeed waxay noqon karaan tallaabooyin muhiim ah oo loo maro wadada loo maro xukunka dimuqraadiyadda ee caafimaadka qaba. Kamid noqoshadaada iyo taageeridaada, Xisbiga Qaransoor waxay u tahay inay jiraan dadyow soomaaliyeed oo xambaarsan damiir rajo ka qabo Qarannimadeena.
Sidoo kale, xisbiga ayaa maray waddooyinka sharciga ah ee lagu diiwaan geliyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka. Xisbiga Qaransoor ayaa ah xisbi si sharci ah ugu diiwaan gashan gudaha ‘dalkeena hooyo’.
Shahaado guddoonsiin: Wakiilka Xisbiga Qaransoor Mudane Maxamed Aadan Maxamed Afrax iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka – GMDQ Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim
Xisbiga Qaransoor ayaa shahaadada xisbinimo kala wareegay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka waxaana guddoonsiiyey Guddoomiyaha GMDQ Marbo Xaliima Ismaaciil Ibraahim.
Munaasabada shahaadada lagu guddoonsiiyey xisbiyada Qaransoor ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho taariikhdu marka ay ahayd 7 aktoobar 2020.
Waxaa xisbiga shahaadada xisbinimo usoo qaaday wakiilka xisbiga mudane Maxamed Aadan Maxamed Afrax. Wakiilka ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabadaan isaga oo soo dhaweeyey waxqabadka GMDQ, kuna faraxsanaa in Xisbiga Qaransoor uu kamid noqday xisbiyada sida sharciga ah ugu diiwaan-gashan dalka.
