Tan iyo markii la aasaasay maarso, 2020, Xisbiga Qaransoor (Q) ayaa raba inuu dalka ka hirgeliyo dib u habeyn siyaasadeed oo cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirigeliya danaha ummada, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.

Wakhtigii la aasaasay urur siyaasadeedka xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbiga Qaransoor.

Marka uu xisbiga arkay waxqabadkiisa hawlkarnimo, hoggaanka hufan uu leeyahay iyo heerka uu maanta soo gaarsiiyey xisbiga Qaransoor sida dhisida nidaam kala dambeyn leh, nidaamyada isla xisaabtanka ku dhisan, qibrada aqooneed uu ku dhisi karo urur siyaasadeed casri ah oo la jaan qaadi karo dunida, lana jaan-qaadi karo siyaasada ka jirta gudaha Soomaaliya  iyo jaceylka uu u qabo inuu arko Soomaaliya oo nabad ah ayaa xisbiga wuxuu go’aan ku gaaray in Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed u doorto hogaamiyaha Xisbiga Qaransoor 5-ta sano ee soo socoto.

Wuxuu xilka hogaamiyaha Xisbiga Qaransoor hayn doonaa laga bilaabo 28, luulyo 2022 – 28, luulyo 2027 (28.07.2022 illaa 28.07.2027)

Hogaamiyaha waxaa lagu soo doortay Shirweynaha Qaran ee dhacay taariikhda marka ay ahayd: 28.07.2022. Xisbiga Qaransoor ayaa shirweynahan ku martiqaaday marti sharaf kala duwan oo ka kala socday xisbiyada kale ee dalka, xildhibaano iyo aqoonyahano. Xisbiga Qaransoor ayaa soo bandhigay afkaarta iyo mabaadi’da uu u taaaganyahay, isagoo baaq u diray dawladda in doorasho qof iyo cod ah laga shaqeeyo sidii dalka uga qabsoomi lahayd. Intaa waxa kaloo dheer, in Golaha Fulinta sare ee xisbiga ay doorteen xubnihii hoggaamin lahaa xisbiga 5-ta sano ee socoto sida dastuurka xisbiga dhigayo.

Hoggaamiyaha ayaa jeediyey qudbad baaq ku aadan wadashaqeynta xisbiyada dalka iyo dib u habeyn siyaasadeed oo cusub. Qudbadan oo la magac baxday Waxaa curatay ‘ilbaxnimo cusub ee Soomaaliyeed’

“Maanta waxaa halkaan ku curatay ilbaxnimo cusub ee Soomaaliyeed. Marka koowaad, waxaan halkaan ka cadeynayaa in ilbaxnimaddeenu tahay lama huraan, la’aanteed lama heli karo isku duubni, iskaashi iyo walaaltinimo dhex marta shucuubta Soomaaliyeed iyo dunida; Marka labaad, ilbaxnimo kasta waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay. Shuruucda iyo xeerarka dadku samaystaana waxay ka amba qaadaan waayo-aragnimada iyo baahida bulshadaas. Sidaas darteed, xisbiga Qaransoor iyo booskeyga hogaamiyaha cusub ee xisbiga Qaransoor waxay hormuud u noqon doontaa ilbaxnimadan cusub ee Soomaaliyeed. Muhiimada ay leedahay ilbaxnimadu waa meel lagu qeexo dhaqankeena, astaamaheena iyo qaab-dhismaheedkeena bulsho. Nidaam dowladnimo oo tayaysan ayaana ugu muhiimsan.” – ayuu yiri hoggaamiye Cabdijabaar Sh. Axmed.

Waxaanu la soconaa in bulshada soomaaliyeed ay maanta u ooman yihiin nidaam dib-u-habeyn siyaasadeed si loo hagaajiyo hannaanka go’aan qaadashada qaranka, la hubiyo matalaadda caddaaladda ee kooxaha bulshada, iyo in la kordhiyo hufnaanta iyo la xisaabtanka howlaha dowladda. Dib-u-habeyn wax ku ool ah ayaa gacan ka geysan karta kobcinta xasilloonida bulshada dhexdeeda, iyo furitaanka awoodda dhaqaale.

“Hal tilaabo oo loo qaaday doorasho hadaf la hiigsanaayo iyo in la joogteeyo fulintiisa ayaa ah midka wax walba beddeli kara.” – ayuu yiri

Haddii aan u gudubno gunaanadka, hoggaamiyaha ayaa codsi u gudbiyey masuuliyiinta xisbiga, masuuliyiinta xisbiyada kale ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. ‘Dhammaan masuuliyiinta Xisbiga Qaransoor iyo xubnihiisa kala duwan waxaan ka codsanayaa inay igu garab istaagaan masuuliyadaan adag ee ay ii dhiibteen. Sidoo kale shacabka iyo xisbiyada dalka ka jira ugu baaqayaa inaan wadashaqeyno oo aan hal dhinac ugu soo jeesano danaha ina horyaallo ee qarankeena iyo sharafteena Soomaalinimo.

 

Scroll to Top