Nagu saabsan

Wakhtigii la aas aasay xisbiga Qaransoor (Q) shaqada ugu muhiimsan ee xisbiga ku tilaabsaday waxaa kamid ahayd inuu sameysto Dastuur iyo nidaam lagu kala hagi karo dhammaan xubnaha ka tirsan xisbiga.

Erayga dastuur waxa lagu macnayn karaa nidaam ama hanaan qeexayo qanuun iyo mabaadii lagu maamulo dal, urur ama hay’aad, micnaha erayga dastuur waxa nooga iftiimayo lagama maarmaanimada in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa mustaqbalka xisbiga.

Waa in aan garwaaqsanaa dastuurka ama axdi kasta oo la sameeyo aaney ku xirneyn oo keli tayada iyo nuxurka qormadiisa, balse ay ku xirantahay dacaadnimada, wadaniyada iyo awooda shacabka ay u leeyihiin in ay xushaan hoggaan daacad ah oo hoggaamiya lana xisaabtami karaan.

Dastuurka Xisbiga Qaransoor, waa mid qeexaayo in ummada ay u wada siman yihiin kamid noqoshada iyo ka qeybgalka dib-usoo-celinta qarannimadii Soomaaliyeed. Sababtoo ah, “ujeedka xisbiga ayaa ah inuu la yimaado dib u habeyn siyaasadeed oo cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirrigeliya danaha umadda, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.”

Sida uu qoraayo Dastuurka Xisbiga, “Cidwalbo ayaa xubin ka noqon karto xisbiga, waa haddii qofkaas caafimaad qabo. Xubinimada xisbigu waa shaqsi umana gudbi karto cidkale lamana kala dhaxli karo waxayna u furantahay qofkasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha Xeerka Xisbiga.”

Dastuurka Xisbiga Qaransoor waxaa ansixiyey Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed. Hadaba si aad wax ugu ogaato Dastuurka xisbiga oo dhammeystiran halkaan hoose kala dag ‘PDF-ka Dastuurka xisbiga

Scroll to Top