Xisbiga Qaransoor wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo.

Maanta oo kale 62 sannadood ka hor waxaa midoobay labadii gobol ee ay kala maamuli jireen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Guud ahaan, inta badan dadka Soomaalida ah way wada garanayaan in gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyaddooda gumeystihii Ingiriiska ka qaateen 26-kii bisha Juun ee sannadkii 1960-kii iyo in 1-dii Luulyo ee isla sannadkaas ay gobolladii koonfureed ka xuroobeen Talyaaniga, isla maalintaana ay midoobeen gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Tan iyo intii uu socday ololihii xorriyad doonka, Soomaalida meel walba oo ay dunida ka joogtay waxay ka midaysnaayeen sidii ay “heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen, una midoobi lahayeen.”

“Dhulkeena waxaa ciida hoosteeda u galay oo u geeriyooday ummad Soomaalyeed oo hadafkooda ahaa sidii ay u xorreyn lahayeen nafsadooda iyo jiilka ka dambeeyo (annaga). Laakiin nasiib-xumada dhacday ayaa ah in maanta ay Soomaali kala qeybsan tahay waqooyiga oo maqan iyo koonfurtii aan wada midaysneen sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in aan kawada shaqeyno sidii aan u wada midoobi lahayn. Annagoo ka duulayno qadiyadaasi, ujeedka Xisbiga Qaransoor loo aasaasay ayaaba ahaa sidii loo sii wadi lahaa mabaadiida qarannimo ee lama taabtaanka ah. Hiigsigeena waa u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.” – Ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor mudane Cabdijabaar Sh. Axmed.

Dhammaan ummada Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaan waxaan u diraynaa Hambalyo. Hambalyo oo kali nooma ahan sanad guuradaan ee waxay noo tahay “dib-u-milicsiga sooyaalka taariikheed ee la soo marnay – gaar ahaan dadkii u geeriyooday xornimaddeena iyo midnimadeena.” – ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor

Dhammaan ummada Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaan waxaan u diraynaa Hambalyo. Hambalyo walaalayaal, waxaanu joognaa wakhtiga ugu mudnaa ee aan baraarugi lahayn sababtoo ah dunida ayaa isbedeshay wakhtigana wuu isbedelay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top