Xisbiga Qaransoor Wuxuu Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayaa Dhammaan Ummada Soomaaliyeed iyo Ehelada iyo Qaraabada ay Ka Geeriyootay Illaahay Ha u Naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe

Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe, waxay ahayd Soomaali u ololeyneysay xuquuqda dadka, qareen, iyo dhakhtar. Waa aasaasaha Xarunta Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka iyo hay?adda Doctor Xawa Cabdi Foundation.

Sannadkii 2010-kii, waxaa loo magacaabay Abaalmarinta Glamour ee Haweeneyda Sannadka. Sidoo kale waxay mar ka mid noqotay dadka loo soo magacaabay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Waxay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyay ee soo bartay daweynta cudurada haweenka ee gynecologist, waxayna 1983-dii furatay isbitaal hal qol ka koobnaa si ay ugu caawiso haweenka uurka leh.

?Isbitaalka waxaan ku bilaabay hal qol annigoo ugu daneynayay haqeenka foosha ay hayso, balse markii dambe wuu weynaaday oo wuxuu gaaray illaa afar boqol oo sariirood?, ayay Dr. Xaawa ku sheegtay wareysi ahaa sannadkii 2013-kii.

“Waxaan shaki ku jirin inaad u hiilisay dadkaaga iyo dalkaaga, waxaadna mudan tahay in kun jeer lagu yiraahdo waad mahadsan tahay.” – Qaransoor

Xaawa Cabdi Dhiblawe waxay u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Waa aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka Dr. Xaawo Cabdi Foundation, oo ah urur aan macaash doon ahayn.

Markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, 1991, xarunteeda waxaa buux dhaafiyay dad ka cararayay colaadda, ka dibna waxay bilowday hay?addeeda DHAF si dadka ay u caawiso.

Hadda DHAF waxay ka kooban tahay isbitaal, iskuul iyo xarunta quudinta. Waxay bixisaa aqoon, daryeel caafimaad iyo hoy iyo tababaro la siiyo dadka barakacay ee u badan haween iyo carruur. Dadkii ka hadlay geerideeda waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, Abdijabaar Ahmed ?Jannada Illaahay haka waraabiyo.? Dr. Xaawo Cabdi waxay tusaalle fiican u ahayd dad badan oo ay dumarka ka koow yihiin. Qofwalbo oo waxtar leh sidaas ayay u xusuusnaan doontaa bulshada iyo madaxdeedaba.” ayuu yiri.

Illaahay janada haka waraabiyo’ aamiin yaa rabbi

“Muwaadin adigana dedaal muuji oo dadkaaga iyo dalkaaga garab-gal.” – Qaransoor

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top