Maanta waxaa laga jooga 22 sano wakhtigii la aasaasay dawladd gobolleedka Puntland oo run ahaantii wakhtigaas ahayd tallaabo wanaagsan ee lagu doonayay xassillooni siyaasadeed, bulsheed iyo mid dhaqaaleedba. Xisbiga Qaransoorna waa uu boggaadinaya maamulka waxqabadyadii wanaagsana ee uu qabtay muddadii lasoo dhaafay sida dhismaha nabadda, hormarinta adeegyada waxbarasho iyo caafimaad.
Nasiib darrose, Xisbigu wuxuu cambaareynayaa xadgudubka hay’adda fulinta ay ku hayaan hay’addaha garsoorka iyo sharcidejinta. Wuxuu xisbigu usoo jeedinayaa shacabka Puntland in wakiiladdooda ay la xisaabtamaan si markaas iyagana sida si lamid ah ay ula xisaabtamaan xukuumadda markaas jirta.
Xisbiga Qaransoor wuxuu kaloo cambaareynaya telefishinka puntland, oo Puntland u aqoonsan dawladd madaxbanaan. Waxaan fareynaa ciddii ay khuseyso in khaladaadkan ay saxaan. Puntland waa dawladd Gobolleed kamid ah Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.
Xisbigu wuxuu kaloo walaac farabadan ka muujinaya nidaamka xisbiyada badan uu maamulka ku tallaabsaday, oo run ahaantii dhiiragelin kara musuqmaasuqa madaama maamulka uusan wakhtigan lahayn hay’add madaxbanaan oo la dagaallanta musuqa.
Xisbigu wuxuu farayaa in maamulka uu la dagaallamo musuqa.
Xisbiga isagoo tixraacaya tallaabooyinka Maamulka, Wuxuu maamulka xusuusinaya in dastuurka ku-meelgaarka uu awoodd madaxbanaan usiinayo Dawladda Federaalka in ay maareeyso siyaasaddaha arrimaha dibadda, lacagaha iyo difaaca, Sidaa awgeed xisbiga wuxuu farayaa maamulka inuu tixgeliyo shuruucda dalka u taalla.
Ugu danbeyn, Xisbigu wuxuu dhamaan madaxda soomaaliyeed ka codsanayaa in midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada laga hormariyo dan walba oo siyaasadeed.