Xisbiga Qaransoor wuxuu ciidamada XDS ugu hambalyeynayaa munaasabadda 62-sano guuradda ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ku shaqeeya marxaladdo adag haddii ay tahay rabshado, danaysteyaal, ama in ciidamada loo addeegsado dano gaar ah. Maamul-xumada iyo hoggaan-xumada haysato ciidamada awgeed aad loogama faa’idaysto joojinta colaadaha la xariira qabiilka iyo beelaha dhexdooda ee rabshadaha wada. Si kastaba ha ahaatee, dalka ayaa wajahay caqabado xooggan oo xagga amniga ah taasoo keentay ciidan la’aan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Maanta, Soomaaliya waxay si aad ah ugu baahan tahay ciidan tayo iyo akhlaaq leh oo xasiliya dalka. Muddada dheer ee soo socoto, baahida amniga ee Soomaaliya waxay u baahan doontaa in xooga la saaro booliiska iyo addeegyada sharci fulinta, laakiin hadda waxaa lagama maarmaan ah in la helo ciidan awood leh, lala xisaabtami karo, oo la awoodi karo.
In ka badan toban sano oo hindiseyaal gargaar ciidan oo amni ah oo lagu dhisayey Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo taabogal ah ayaa guuldarreystay sababtoo ah saameynta isku xiran ee caqabadaha siyaasadda, xaaladda guud iyo kuwa hawlgalka.
Caqabadda siyaasadeed ee ugu muhiimsani waa isku dheellitirnaan la’aanta u dhexeeya madaxda Soomaalida iyo caalamka, in aan diirada la saarin dhismaha hay’adaha dowladda sida garsoorka iyo caddaaladda iyo ka fiirsasho la’aanta heshiisyada. Xisbiga ayaa aaminsan hadafka sugida amniga cidwalbo ayay dan ugu jirtaa laakiin laguma gaaraayo caddaalad xumada jirta maanta. Kalsoonida bulshada oo ay ku qabi karaan dowladooda ayaa keeni karta inay dhex marto wada shaqeynta xagga amniga ah.
“Caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira waa waxyaabihii laga dhaxlay labaatankii sano ee dowlad-burburka iyo saameynta xun ee dhaqdhaqaaqa qabiilka. Caqabadaha ugu waaweyn ee hawlgalka ayaa ah dhismaha ciidan isla mar ahaantaana cakiran isku dhafka ciidamada, iyo awood la’aanta daran ee haysata ciidanka XDS.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed, Gudd. Xisbiga Qaransoor.
Dhisida Awood Militari & Haayad Sirdoon waa mid kamid ah mabaadiida Xisbiga Qaransoor. U hawlgelida sidii loo dhisi lahaa awood ciidan iyo haayad sirdoon qaran oo tayo fiican leh, kuwasoo illaalin kara xaquuqda muwaadiniinta, dastuurka dalka iyo madax banaanida qaranka.