Xisbiga Qaransoor Wuu Soo Dhaweeynayaa Heshiiska ay DF iyo Dawladd Gobolleedyada ay ka Gaadheen Arrimaha doorashooyinka 2020/21

Xisbiga Qaransoor isagoo tixraacaya war-saxaafadeedka laga soo saaray qaabka doorasho ee uu dalka gali doono, wuxuu taageeraya nidaamka “Ergo Deeggan doorasho” ee lagu heshiiyay.

Hannaanka Doorashada Deegaameysan ayaa dhigaya in deegaanada lagu soo dooranayo Xildhibaannada la kordhiyo, lana gaarsiiyo illaa 4 deegaan, sidoo kale Ergada soo dooraneysa ayaa la gaarsiiyay 303 Ergo oo ilaa 3 Kursi hal mar dooraneysa oo ah kursigiiba 101 Ergo. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu galo hannaan Xisbi ah.

“Inkastoo doorashadani aysan ahayn tan aan dalka la rabno, balse waxaan aaminsanahay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo lagu gaadhi karo doorasho xor iyo xalaal ah, oo qof iyo cod ah.”

Xisbig Qaransoor wuxuu kaloo walaac farabadan ka muujinaya wakhtiga iyo muddada ay qaadan doonto qabsoomida doorasho oo run ahaantii aan lagu xusin heshiiska. Wuxuuna xisbiga faraya dhammaan ciddii ay khuseeyso in doorashada ay dhacdo wakhtigeedi, lagana fogaado waxwalbo keeni kara muddo kororsi.

Ugu danbeyn, Xisbiga Qaransoor wuxuu shacbka Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay muujiyaan midnimo oo ay garab istaagan dawladdooda iyo kana fogaadan waxwalboo khalaalse amni darro dhalin kara.


“Aan la dagaallano Covid-19, Inagoo illaalinayna kala fogaanshaa, meyrista gacmaha iyo isku-imaatanka badan”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top