Xisbiga Qaransoor ayaa Hambalyo iyo Baaq ku aadan samata-bixinta dalka u diraya Madaxweynaha cusub ee ay doorteen Baarlamaanka 11aad Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.
Marka hore Xisbiga Qaransoor wuxuu Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqon doona madaxweynaha 10-aad ee JFS Soomaaliya. Annagoo isku duuban waxaan ku leenahay mudane Madaxweyne Hambalyo Hambalyo, Illaahay hakugu ammaansado xilka laguu dhiibay. Sidoo kale, waxaan kuu soo jeedinaynaa baaq ku aadan sida aad u samato-bixin karto dalka.
Baaq ku aadan samata-bixinta dalka
Waxaan aad iyo aad ugu xunnahay marxaladda foosha xun uu dalkeena maanta ku jiro. Waxaa illaahay ka baryaynaa inuu dalkeena ka dhigo mid leh amni iyo burqaawo lagu waaro. Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado iyo duruufo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Amni oo kala duwan. Tan iyo xiligii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hogaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre, dalka waxaa hareeyey dhibaatooyin aad u faran oo dhaawac weyn u geysay magaca, sharafka iyo qiyamka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo burburayey xasiloonidii, nabaddii, adeegyadii bulshada iyo kaabakaayshii dhaqaalaha.
Waxaa hoos u dhacay qiimaha qofka siyaasiga ah, heer waxaan maraynaa erayga ‘siyaasad in loo turjubaano tuuganimo (hebel waan siyaasadeeyay iwm). Sharaxaadda saxda ah ee siyaasad ‘waa nidaam lagu maamulo dal iyo dad leh afkaar iyo mabadii ay kawada midaysan yihiin.
Ka Xisbiga Qaransoor ahaan, talada aan soo jeedinayno ayaa ah:
- Nidaam doorasho oo caddaalad iyo sinnaan ku dhisan
4ta sano ee soo socoto in dalkaan (Soomaaliya) jiho cusub la aadiyo, nidaamka doorashada dalka ee 4.5 in laga beddelo oo loo beddelo nidaam simnaan iyo caddaalad ay ku dhisan tahay. Waxkale iskadaa xittaa beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ayaa is-nacay oo maanta dadka isugu neceb. Haddii nidaamkaan la soo celiyo jahwareerka jira mid kasii weyn ayaa imaan doona. Soomaaliyana abaarro, dagaal, sadbursi, dib-u-dhac iwm kama bixi doonto.
“4.5 Waa nidaam gurracan oo curyaamiyay dadka iyo dalkuba. Waxaana wanaagsan in lagu beddelo nidaam ka wanaagsan oo lagu hubin karo caddaalad iyo simnaan bulshada dhexdeeda”
– Cabdijabaar Sh. Axmed, Gudd. Xisbiga Qaransoor.
Waxaan la soconaa in doorashada dalka ay aad u dabadheeraatay waxayna gaartay heerkii ugu xumaa 20kii sano ee la soo dhaafay, sheekada waxay taagneed illaahiyow mar un naga dhammeey doorashadan. – Waana lagu sii jiri doonaa jahwareerka maanta taagan haddii aanan si dhab ah loogu soo jeesanin nidaam doorasheed dalka ku habboon, ummadana samata-bixin kara. Haddii la helo nidaam caddaalad iyo simnaan ku dhisan waxaa suurta gal noqon doonto siddii loogu hawlgeli lahaa dhisida qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
- La dagaalanka musuqmaasuqa
Nidaamka baarlamaaniga ahi ee Soomaaliya wuxuu keenay musuqmaasuq baahay oo dhaawac weyn u geystay sharafta iyo haybadda xildhibaannada, wasiirada iyo saraakiisha sare ee dowladda. Waxaa caado noqotay in qof kasta oo xil doonaya lagu qiimeeyo awoodda jeebkiisa ee aan la eegin awoodda mugga maskaxdiisa, kartida qofnimo iyo dareenka shacabka uu matalo ka qabaan toona.
- Golle wasiirayaal aan lahayn Karti iyo Aqoon
Maadaama baarlamaanku leeyahay awoodda keliya ee kalsooni siin karta ama kala diri karta xukuumadda, waxaa khasab noqotay in xildhibaanno aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn ay wasiiradda ugu muhiimsan noqodaan. Waxaa kaloo isla arrintn laga dhaxlay iney yaraato ama meesha ay ka baxdo isla-xisaabtan rasmi ah in lagu sameeyo xukumaddii, maadaama Wasiirkii lala xisaabtami lahaa uu isla asagii Baarlamankii fadhiyo, kuna difaacayo howsha xukumadda. Golaha wasiirada ay soo dhisi doonta waa waxa lagu ogaan karo ama lagu cabiri karo mustaqbalka Dowladdaada waxa ay soo kordhiso.
- Amni iyo nabad la’aan
Maadaama ay hay’adihii dowladdu noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan tabar iyo tayo lahaynd, waxaa xoogeystay daneysiga iyo ku takrifal awoodda, taasoo keentay in nabaddii iyo amnigii uu curyaamo. Dalka dhibaatada ugu weyn ee haysato waa amniga mudane madaxweyne hawshaada ugu horreyso ha noqoto amniga iyo xasilloonida dalka.
- Awood la’aan dowladda dhexe
Dowlad goboleedyada iyo sida ay u doonayaan in wax kasta oo dowladda federaalku waddo aaney socon haddii aaney iyagu talada iyo go’aan door hormuud ah ku lahayn ayaa noqotay caqabad weyn. Arrintaan ayaa keentay in dowladda dhexe noqoto mid taagdaran oo iyaga u dabran, oo xitaa aan go’aan ka gaari karin awoodihii dastuurku siiyey sida; amniga qaran (xuduudaha cirka, dhulka iyo badda), arrimaha dibadda, socdaalka, isgaarsiinta IMW. Arrintaan ayaa waxay niyad jab ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee doonaya inay helaan dowlad ka shaqeysa danahoodaa iyo ilaalinta sharaftooda. Sidaas awgeed, waa lagama maarmaan in dowladda dhexe yeelato awood wax lagu maamulo iyo in la maqlo hadalkeeda. Waxaana loo baahan yahay xeelado diblomaasiyadeed iyo farsamo walbo oo loogu hortagi karo colaado sokeeye.
- Faragelin shisheeye
Kooxda qaswadka iyo daneeysiga ku caan baxday waxay fure u yihiin in dalku ka bixi waayo faragelin shisheeye ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Kooxahaan ayaa markasta waxay jecelyihiin in dalka ay hoos geeyaan dowladdo iyo hay’addo ay ka dhex arkaan dano yar-yar oo aan wax ku ool u ahayn ummada soomaaliyeed iyo dowladnimadeeda. Mudane madaxweyne arrintaan ayaa caan noqotay wakhtigii aad dalkaan ka ahayn madaxweyne haddana waad soo noqotay waxayna naga tahay isxasuusin inaysan markale soo noqonin. Si feejigan ugu fiirso danaha shisheeye iyo dadka adiga kugu heeraarsan!
Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo Soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda.
Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hoggaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen. Haddaba iyadoo la wada-ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaa lagaaga baahan yahay inaad ilgaar ah ku fiiriso.
- Koox khabiir ku ah fowdo iyo nidaam la’aanta
Maadaama ay ka taajireen ganacsi ku dhisan laaluush, boob iyo dhiigmiiradnimo, kooxdaani waxay inta badan ka cabsi qabtaa in haddii dowladnimo la helo aaney heleyn faa’iidooyinka ay kaga macaasheen maqnaanshaha iyo hooseeynta sharciga. Kooxdaan ayaa waxaa caado u ah inay is hortaagto wax kasta oo ay u aragto inaaney maslaxadooda iyo danahooda shaqsiga u wanaagsaneyn. Si ay danahood u fushadaan waxay markasta garaacaan durbaan qabiil iyagoo adeegsada kooxo wax magarato ah, kuwaasoo abuura falal qarbudaad ah oo keenaya amni daro iyo cabsi gelin. Dib-u-qiimeyn ku samey dhammaan dhacdooyinkii dalka soo maray waxaadna isweydiisaa waxyaabaha aad ka baran karto.
- Heshiisyo la gal oo goggal u dhig ururo diineedka Soomaaliya
Khilaafka iyo tafaraaruqa ku dhacay culimadii diinta waxay horseeday in lays dardaro lagana dhigo aqoontii iyo xurmadii diinta inay noqoto mid jaantaarogan ah. Khilaafku wuxuu keenay in la waayo hay’ad laysla lawada ogolyahay oo si gooni ugu xilsaaran ilaalinta iyo hoggaaminta diinta. Maadaama aanu jiri gole la wada aqoonsan yahay oo qaabilsan dhowris dhaqan shareecada islaamka, waxaa soo batay hardanka iyo dacaayadda ka dhex jirta wadaadadii laga rabay inay dadka ku baraajujinayaan isxaq dhowrka iyo istixgelinta. Dhibaatadaan ayaa waxay halis ku tahay bad-qabka bulshada adduun iyo aakhiroba, waxayna kala dhantaaleysa geedi-socodka nabadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.
Dagaalada Dhuusamareeb ee lala galay kooxda Ahlu-suna Waljameeca waxay ku fiicneed wada hadal. Maantana sida aan aragno waa ay soo roggaan celiyeen, waa falsafad siyaasadeed oo khaldan. Maxaa yeelay labada dhinacba waxaa ku dhimanaayo waa dhalinyaradeena.
Dadka Soomaaliyeed kooxaha diineed ee jira dhammaantood waa muslim sunni oo ku abtirsaday Ahlul-sunnah Waljameeca. Waxaa nasiib daro noqotay in qolo kasta ay ku fogaatay aragti diineedkeedii, taasoo keentay in dadkii caamada ahaa la kala qoqobo haddana layska horkeeno. Waxaa koox kasta ka soo dhex baxday kuwo xagjir oo aan lahayd wax dulqaada, islama marka ay afka baarkiisa u saaran tahay gaalnimo ku xukunka dadka aan kooxdooda ka midka ahayn. Xagjirnimada koox kasta waxay keentay inay aaminaan in xoog ku socodsiiyaan qofkasta oo aragtidooda kasoo horjeeda laga yaabo inta badan inay qaldan tahay aragtiyahooda. Kooxo diineedyadu waxay fahmi la’yihiin in dalka la wada leeyahay qof kastana ay sugeyso aakhiro iyo xisaab. Inta kooxo diineedyada aaminsan yihiin inay xoog ku maquuniyaan cidkasta oo iyaga ka soo horjeeda, dalku wuxuu ku jirayaa fowdo iyo kala qeybsanaan. Sidaas awgeed, hawsha madaxweyne kuu taallo ayaa ah inaad la fadhiisato qofwalbo waxa ay tabanayso la qiimeeyo. Goggal dhiga heshiisyada waxay keenaysaa inay soo dabcaan haddii wax loo oggalyahay.
- Alshabaab
Kooxda Alshabaab waxay dagaalka ay wado u daliilsataa diin wadaniyad huwan oo si aftahanimo loo soo bandhigo iyadoo laga duulaayo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka hareeyey. Maadaama kooxdaani ay inta badan tahay Soomaali, waxaa muuqata in aan dagaal keliya loo adkaan Karin. Dagaalkooda fekeriga ah (ideology war) ayaa arrinta ka sii dhigaayo mid aan la dhayalsan karin, waayo aragti/feker waxaa keliya lagu bedeli karaa aragti/feker . Sidaas darteed Xisbiga Qaransoor wuxuu dowladdani kula talinayaa in la helo istaraatejiyad siyaasaddeed oo 4 dhinacle ah:
b) Diin iyo wadaniyad si wanaagsan loo agaasimay taasoo xooga saareysa in dhalinyarada kooxda u dagaalanta ay ka haraan dhibaatada ay wadaan iyadoo la tusaayo dhibka ay keeneen inta uu le-eg yahay. Arrintaani waxay sidoo kale xoogga saareysaa sidii shacabka iyo kooxda loo kala goyn lahaa. Waxaa muhiim ah in la beddelo ereyga dhaqan-celin, maadaama uu muujinaayo in qofka dhaqankii ka xumaaday. Waxaan ku talinaynaa in lagu bedelo ereyga dib-u walaaleyn ama dib-u-walaaleynta.
t) Waa in la helo dhaqaalle loogu abuuro nolol wanaagsan iyo xirfado dhalinyarada kooxdan ka mid ah iyo kuwa kale ee la daalaa dhacaayo nolol-xumada iyo shaqo la’aanta. Waa in la dhiso xarumo lagu xanaaneeyo laguna horumariyo tayada adeegyadooduna ay aad u sareyaan.
j) Waa in la helo awood ciidan tayo iyo tiro ahaanba aad ugu sareysa tan kooxda isla markaana loo qaabeeyo adeegsiga tabta daanyeeraynta (Gorrilla tactics). Xeeladaan ayaa kooxda ku khasbi karta inay ka haraan awood sheegashada iyo qarka tuurnimada ay ku caan baxeen.
x) Waa in la adeegsado xeelad siyaasadeed islama markaana kooxda lagu qanciyo miiska wadahadalka.
- Xisbiyada iyo indheergaradka bulshada
Dalka waxaa laga hirgeliyey xisbiyo badan oo ku haminaayo inay maalin un dalka xukumaan oo ay wax ka beddelaan marxaladda uu dalka ku jiro. Waxaana habboon inuu madaxweynaha la fadhiisto xisbiyadaas iyo indheergaradka bulshada waxna ka weydiiyo xaaladda dalka iyo sida lagu samata-bixin karo dalka.
Gunaanad, Dalkasta oo burburay ama soo mara qalalaase bulsho iyo siyaasadeed wuxuu xasaradahaas ka dhaxlaa dhibaato dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo amni kuwaasoo caqabad ku noqda xal u helidda dhibaatooyinkii daashaday dalka iyo dadka. Soomaaliya oo in ka badan nus qarni ku jiray degenaasho la’aan, sharci daro iyo fowdo, soo celinta dowladnimadeedu waxay u baahan tahay hoggaamin daacad ah oo diyaar u ah iney qaadato go’aano waa weyn oo wata halis iyo khataro aan la khiyaasi karin. Haddaba, iyadoo caqabadaha dowladdu wajahayso ee aan qaarkood xisbiga aan ku xusin halkaan ay badan yihiin, waxaa madaxweynaha ka rajeynaynaa inuu noqdo kii fahmi lahaa danaha dalka, dadka iyo diinta.
Nasiib Wacan Madaxweyne
Waa baaq naga wada turjumanayo. Mahadsanidiin
XisbigaQaransoor
Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Websaydka Xisbiga: qaransoor.so
Emayl: xisbiga@qaransoor.so