Waxaa curatay ‘ilbaxnimo cusub ee Soomaaliyeed’
Anigoo ah hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil waxaan marka hore Alle swc ugu mahadcelinayaa, ugu baryayaa inuu igu garab siiyo masuuliyadaan cusub ee aan qaaday
Waxaa u mahadcelinayaa Golaha Fulinta ee Xisbiga Qaransoor iyo dhammaan taageeridiisa oo runtii igu aaminay iina doortay inaan hoggaamiyo xisbiga Qaransoor. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan marti sharafta ka soo qeyb gashay shirweynaha Qaran ee Xisbiga Qaransoor. Qofwalbo mansabka iyo maamuuska uu ku joogay halkaas Xildhibaano, barafasooro, aqoonyahano da’yar dhammaantiin mahadsanidiin.
Maanta waxaa halkaan ku dhashay ilbaxnimo cusub ee Soomaaliyeed. Marka koowaad, waxaan halkaan ka cadeynayaa in ilbaxnimaddeenu tahay lama huraan, la’aanteed lama heli karo isku duubni, iskaashi iyo walaaltinimo dhex marta shucuubta Soomaaliyeed iyo dunida; Marka labaad, ilbaxnimo kasta waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay. Shuruucda iyo xeerarka dadku samaystaana waxay ka amba qaadaan waayo-aragnimada iyo baahida bulshadaas. Sidaas darteed, xisbiga Qaransoor iyo booskeyga hogaamiyaha cusub ee xisbiga Qaransoor waxay hormuud u noqon doontaa ilbaxnimadan cusub ee Soomaaliyeed. Muhiimada ay leedahay ilbaxnimadu waa meel lagu qeexo dhaqankeena, astaamaheena iyo qaab-dhismaheedkeena bulsho. Nidaam dowladnimo oo tayaysan ayaana ugu muhiimsan.
Tan iyo markii la aasaasay 15 maarso, 2020, Xisbiga Qaransoor (Q) ayaa raba inuu dalka ka hirgeliyo Dib u Habeyn Siyaasadeed oo Cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirigeliya danaha ummada, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.
Waxaanu la soconaa in bulshada soomaaliyeed ay maanta u ooman yihiin nidaam dib-u-habeyn siyaasadeed si loo hagaajiyo hannaanka go’aan qaadashada qaranka, la hubiyo matalaadda caddaaladda ee kooxaha bulshada, iyo in la kordhiyo hufnaanta iyo la xisaabtanka howlaha dowladda. Dib-u-habeyn wax ku ool ah ayaa gacan ka geysan karta kobcinta xasilloonida bulshada dhexdeeda, iyo furitaanka awoodda dhaqaale.
Hal tilaabo oo loo qaaday doorasho hadaf la hiigsanaayo iyo in la joogteeyo fulintiisa ayaa ah midka wax walba beddeli kara.
Anigoo raacaayo ajendayaasha ii degan ee la iigu doortay hoggaanka Xisbiga Qaransoor waxaan xoogga saari doonaa:
1. Waxaan sii wadi doonaa nidaamka tayeysan ee gudaha xisbiga ah si kor loogu qaado wacyi gelinta bulshada iyo hawlaha horyaallo xisbiga. Anigoo xooga saari doona siyaasadda u sahli doonta in xisbiga xubno ku yeesho Degmo kasta oo dalka ka tirsan.
2. In aan wakhti iyo dedaal ku bixiyo sidii aan xoogga u saari lahaa isbahaysiga xisbiyada kale ee dalka oo la afkaar iyo mabadii ah Xisbiga Qaransoor.
3. La dagaalanka nidaamka duleysan ee 4.5: in kor loo qaado farriimaha wacyi gelinta ee ka dhanka ah 4.5 si bulshada iyo xisbiyada loo kiciyo oo ay garab inagu siiyaan in la baabiyo waxa ay nidaam ku sheegeen.
2. In sumacadda laga dilo dowlad walbo oo ku timaada nidaamka 4.5. Waan ku daalnay siyaasad reero lagu biilo xil iyo xoolaba, in lala dagaalamo Maamul goboleedyo reereysan oo u dhaqma sida dowlado madax banaan oo aan ka tirsaneyn Soomaaliya.
Dhammaan masuuliyiinta Xisbiga Qaransoor iyo xubnihiisa kala duwan waxaan ka codsanayaa inay igu garab istaagaan masuuliyadaan adag ee ay ii dhiibteen. Sidoo kale shacabka iyo xisbiyada dalka ka jira ugu baaqayaa inaan wadashaqeyno oo aan hal dhinac ugu soo jeesano danaha ina horyaallo ee qarankeena iyo sharafteena Soomaalinimo.