Anigoo ah Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan iyo halgamayaasha maanta ee qaransoorka ah.
Maanta oo kale xisbiga SYL, Subaxnimadii 15 Maajo 1943, waa wakhtigii ay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday, Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaana jiray dareen wadaniyadeed, dadnimo iyo baahi loo qabo qarannimada Soomaaliyeed. Sidoo kale ku darso waxay ahayeen kuwa aan intooda badan aqoon badan aan lahayn, marka la isu barbardhigo dhalinyarada maanta jira ee Soomaaliyeed. Maxaa dhalinayrada maanta jira u diiday inay dadnimadooda iyo dareenkooda wadaniyeed soo bandhigaan, dhaqdhaqaaqna ay ku daraan? Waa su’aal u baahan inaad adigaba isweydiiso mana aqaano cida aad ka jawaab sugayso.
Dhalinyaro waxaa la joogaa wakhtigii aad masuul ka noqon lahaydeen naftiina, sharafta qarankeena, dib-usoo celinta xasilloonida iyo karaamadii Soomaaliyeed. Sida kali ee aad masuuliyadaasi u qaadi kartaan waa inaad isweydiisaan ‘Kumaan ahay aniga? ‘Maxaa faa’ido ah ayaa ku jira jiritaanka qoomiyadeyda Soomaaliyeed? ‘Yaa ii diidan inaan noolaado? ‘Yaa ka shaqeeya bahdilka sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed? ‘Maxaase ka qaban karaa hadda?
Dhammaan su’aalahaas waad isweydiisaa waa haddii aad tahay qof damiirkiisa taagan yahay, caqli togana ku fikira. Waa la joogaa wakhtigii aad heli lahayd jawaabaha saxda ah.
Xisbiga Qaransoor intii uu jiray wuxuu xoogga saaray kaalinta ay dhalinyarada ku yeelan karaan go’aan ka gaadhista dalkooda asigoo xisbiga dhalinyarada usoo bandhigayo kamid noqoshada xisbiga Qaransoor iyo kaalinta loogu baahan yahay inay ka qeyb-qaataan dalkooda iwm.
Hiigsigeena, Xisbiga Qaransoor ayaa ah sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
‘Maanta waxaa la joogaa wakhtigii laga dhabeyn lahaa riyada aan ku riyoono maalin walbo.’
Hambalyo Dhalinyaro!
Cabdijabaar Sh. Axmed
XisbigaQaransoor
Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Haddii aad su’aal qabto ama aad rabto macluumaad ku saabsan Xisbiga Qaransoor nagala soo xariir emaylka:
weydii@qaransoor.com
__
Haddii aad kamid tahay xubnaha xisbiga Qaransoor meel walbo aad dunida ka joogto waxaad nagala soo xariiri kartaa emaylka:
xubnaha@qaransoor.so
__
Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka:
guddoomiyaha-abdijabaar@qaransoor.so
__
Wararka, war saxaafaadeedyada iyo warbixinada xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka:
xafiiska-wararka@qaransoor.so
__
Wareysyada iyo doodaha kala xariir emaylka:
wareysiyada@qaransoor.so