War saxafadeed: DIGNIIN iyo talo soo jeedin


Xisbiga Qaransoor wuxuu walaac badan ka muujinayaa banaan baxa lagu dhawaaqay oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.
Xisbiga Qaransoor, wuxuu si xoog leh u cambaareeynaya in banaan bax lagu dhawaaqo iyadoo xaaladda dalka ay sidaan tahay. Dalka wuxuu hadda la daala dhacayaa shaqo la?aan baahsan, qaraxyo, wel wel iyo cabsi fara badan oo soo wajahaysa bulshada reer Muqdisho. Sidoo kale, banaan baxa wakhtigaan la jooga waxaa ka dhalan kara:,
1. Qaraxyo lala beegsado shacabka masaakiinta oo markii horeba cabsi ku noolaa.
2. Cudurka faafa ee Korona fayrus oo xaaladiisa meel xun marayso inuu sii faafo.
3. In ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee mucaaradka ay wataan kala shakiyaan oo halkaas ay ka dhacdo israsaaseyn ?sida horeyba u dhacday.
Talo soo jeedin:
Xisbiga Qaransoor wuxuu soo jeedinayaa in laga war sugo gudiyada ay magacaabeen dowladda oo matalayey maamulada dalka oo loogu tala galay inay soo sheegeen wakhtiga doorashada la qaban doona ayna ku dhawaqaan doorashada iyo waqtigeeda.
Ugu dambeyn, wuxuu xisbiga Qaransoor shacabka Soomaaliyeed la wadaagaya in garab ay siiyaan ciidanka qaranka si dalka looga xorreeyo amni darada ina haysato, qaraxyadana looga hortagi karo. Wakhtigaan marxaladda ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan ma ahan marxalad kala qeybsanaan loo baahan yahay. Badaheena iyo dhulkeena ayaa qiil-qiil ku jira, sidaas awgeed midnimadeena ayaa horumar la taaban karo ku gaari karnaa ee ?midnimada aan kawada shaqeyno?.
Warqada war saxaafadeedka – taariikhda: 16.02.2021

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top