War saxafadeed: Dagaalka Balad Xaawo


War saxafadeed: Dagaalka Balad Xaawo

Xisbiga Qaransoor wuxuu boggaadinaya dadaalladii ciidamadda iyo saraakiishi dawladda ay kaga guuleysteen ciidamadda nabad diidka ah ee hoostaga dalal shisheeye. Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in hawlgalkan uu ahaa mid aad loogu baahna si loo adkeeyo amniga deegankaas. Isagoo xisbiga ogsoon xaalladdahan oo kale inay dhibaateeyn karto bulshada, wuxuu? tacsi tiiranyo leh u diraya ehellada dhamaan dadkii ku geeriyooday hawlgalkan. Wuxuuna xusuusinaya shacabka in dadkasi ay yihiin kuwa u shahiiday dalkooda. Wuxuuna xisbiga dawladda federaalka ka codsanaya in magdhaw ay siiso dadkii qaraabaddooda ku waayey dagaalkan iyo inay u fidiso adeegyo caafimaad kuwii ku waxyeellobay hawlgalkan.

Xisbigu, wuxuu si xoog leh u cambaareeynaya dawladd Kiiniya oo garab xoog leh siineeysa jabhaddaha hortaagan horumarka iyo sugidda amniga dalka. Wuxuuna falalka nuucaas ah ku tilmaamaya “gacan siin argagixiso”. Wuxuu xisbigu Kiiniya uga digayaa in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya. Wuxuu kaloo xisbugu DF ka codsanaya in caddaalladda la horkeeno wasiirka Amniga ee Maamulka jubbaland Cabdirashiid Janan oo horey Haayada Amnesty International ugu iidaysay inuu gaystay xasuuq shacab iyo Madaxweynaha maamulka Axmed Maxamed Islaam, si loogu qaado dembiyadii ay ka geeysteen deegaanka.

Ugu dambeyn, wuxuu xisbiga Qaransoor shacabka Soomaaliyeed la wadaagaya in garab ay siiyaan ciidanka qaranka si dalka looga xorreeyo cidwalboo carqaladeynaysa horumarkeenna.

 

Wabillahi Tawfiiq.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top