War Saxaafeed: Khilaafka doorashada – 2021


Xisbiga Qaransoor wuxuu soo dhoweynayaa dadaalada ay sameeyeen madaxda dalka si loo gaaro heshiis doorasho. Wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Dhuusamareeb (1-6 Febraayo) horumar ayaa laga sameeyay, waxaana lagu heshiiyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiinin dhammaan qodobadii la isku haystay ee taagnaa.

Xisbiga Qaransoor wuxuu aaminsan yahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is afgarad siyaasadeed, iyadoo loo turaayo qarannimada Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in la furo wada haddallo dheeri ah si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka ay shacabka Soomaaliyeed sugayaan ay u dhacdo sida ugu dhakhsiyaha badan.

Xisbiga Qaransoor wuxuu ugu baqayaa dhammaan madaxda siyaaasadda Soomaaliya inay taariikhda u geli doonta hab-dhaqankooda maanta ay u dhaqmaan, waxayna haystaan fursad ay ku muujiyaan hoggaankooda wanaagsan, waxaana wanaagsan inay waxwalbo ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan si loo hirgeliyo doorashada iyadoo la illaalinaayo danta qarankeena.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top