Xisbiga Qaransoor wuxuu soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray qalallaasihiii doorashada ee muddada soo jiitamaayay. Khilafaadka Heshiiska Doorashada dartiisa waxaa lagu barakiciyey shacab badan oo aan waxbo galabsanin.
Muddooyinkaan dambe xisbiga Qaransoor wuxuu si gaar ah ula socday khilafaadka ka dhashay doorashooyinka, wuxuu xaqiiqsaday inay jiraan dad badan oo u baahan in hangool la iskeega qabto oo aan lahayn caqli aan kursigaas ahayn, nin-jeclaysi iyo qaran-dumisnimo. Waxaa kula talinaynaa siyaasiyiinta maanta u taagan inay matalaan bulshada qeybaheeda kala duwan inay gartaan masuulilyada saaran – siyaasi walbo masuuliyada saaran waa inuu illaaliyaa badqabka bulshadeena iyo xasilloonida qaranka. Soorista qarankeena waa waxyaabaha aan u wada taaganahay oo aan baahi u qabno inaan helno qaran awwood u leh isku filnaansho dhaqaalle iyo mid amni.
Sidoo kale, siyaasada halka dhinac ah ayuu dalka la ildaran yahay maanta. Qofkii qeyliyo oo kali ayaa loo oggalyahay inuu miiska wadahadalka dhinaciisa ka soo fadhiisto. Wadanka maanta wuxuu leeyahay xisbiyo siyaasadeed oo matalaayo bulshada sidaas awgeed waxay ku qurux badan tahay in talada dalka laga wada qeyb-geliyo lana joojiyo siyaasada halka dhinac ah.
Bulshada Soomaaliyeed maanta waxaa ka soo go’day neef aad u weyn farxadna wey u tahay in heshiis kama dambeys ah laga gaaro doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya. – Illaahay Nabad iyo Burwaaqo ha inoogu dhigo dalkeena.
Diyaar ma u tahay inaad qeyb ka noqoto isbedelka aan doonayno?
XisbigaQaransoor
Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Websaydka Xisbiga: qaransoor.so
Emayl: xisbiga@qaransoor.so
Haddii aad su’aal qabto ama aad rabto macluumaad ku saabsan Xisbiga Qaransoor nagala soo xariir emaylka:
weydii@qaransoor.com
_ Haddii aad kamid tahay xubnaha xisbiga Qaransoor meel walbo aad dunida ka joogto waxaad nagala soo xariiri kartaa emaylka: xubnaha@qaransoor.so _
Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka:
guddoomiyaha-abdijabaar@qaransoor.so
_ Wararka, war saxaafaadeedyada iyo warbixinada xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka: xafiiska-wararka@qaransoor.so _
Wareysiyada iyo ka qeyb-galka doodaha kala xariir emaylka:
wareysiyada@qaransoor.so
_ Twitter @qaransoor _
Intagram
Xisbiga.qaransoor