Xisbiga Qaransoor waa xisbiga marwalbo u taagan in nidaamka siyaasadda dalka isbeddel lagu sameeyo, waana lagama maarmaan in qaab-siyaasadeedka Gudaha iyo Siyaasadda Arrimaha Dibada dalkeena wax badan laga beddelo. Sidaas awgeed, Xisbiga Qaransoor wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka baarlamaanka qaatay maanta oo ay u coddeeyeen in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabto.
Madaxweynaha ayaa loogu baahan yahay doorka fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qarannimada Soomaaliyeed.
Dawladnimado iyo dimuqraadoyad dhameystiran waxaa lagu heli karaa marka ka-qeybgal uu jiro, marka cidna aan gadaal looga tagin, iyo marka ay siyaasaddu noqoto mid loo wada dhanyahay. Sidaas awgeed, mudada la siiyay dowladda waa ay ku filan tahay, waxaana loogu baahan yahay dowladda muddada labada sano la siiyay inay la timaado qaabkii iyo qorshihii suurta gelin lahaa doorasho qof iyo cod.
Sidaas awgeed, haddii aan nahay Qaransoor marna kama quusan doona hiigsigeena ah u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
Wabillaahi Towfiiq