War saxaafadeed: Xisbiga Qaransoor wuxuu QM ugu baaqayaa inay soo bandhigaan cadeymaha ciidamada soomaaliya ee ka dagaalamay gobolka Tigreega.

Xisbiga Qaransoor wuxuu Qaramada Midoobay ugu baaqaya inay soo bandhigto caddeymaha la xidhiidho sheegashadii ahayd in ciidamadda soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii lagu qaaday ururka TPLF.

Wuxuu xisbiga si dhow ula socdaa xidhiidhka beesha caalamka iyo Itoobiya oo run ahantii muddadii lasoo dhaafay aad usii xumaaday. Wuxuuna xisbigu aaminsanyhay in arrintani ay ugu wacantahay in sheekashooyinkii noocaan ah lagu weerarayo Itoobiya iyadoo loogu raadinayo denbiyo u fududeeya in Qaramada Midoobay ay kula xisaabtanto Itoobiya.

Waxa kaloo xusid mudan in Kooxda TPLF ay tacdiyo farabadan ka geeysteen gayiga soomaalida, laga soo bilaabo Soomaaligalbeed ilaa dawladdII dhexe ee soomaaliya, sidaas awgeedna Qaramada Midoobay aysan waxbo ka qabanin wax cunaqabateyn ahna aysan saarin.

Dawladduse waxaa la gudboon in xaqiiqda siday tahay ay bulshadeeda usoo bandhigto si looga fogaada been-abuur dhalin kara in dhalinyarta ay lumiyaan hamiga kamid noqoshada ciidamadda qaranka. Siyaasiyiinta dalka soomaaliya ilaa arrintan laga soo cadeeynayo waa inay iska ilaaliyaan faafinta wararkan aan sugneyn oo dhaawici kara mustaqbalka Ciidamadda. Madaxweynaha talada haya waxaa hubaal ah in kursiga uu ka tagi doono balse si isaga loo mucaarado waxaanan marnaba habboonayn in arrintan si khaldan bulshada loogu dhigo.

Bulshada Soomaaliyeed wuxuu xisbiga Qaransoor ugu baaqaya inay ka feejignaadan in afkaartooda ay qaabeeyso warbixino aanan sugnayn oo u dhigan sida inay tahay fikir ku kooban shakhsiyaad gaar ah.

Diyaar ma u tahay inaad qeyb ka noqoto isbedelka aan doonayno?

Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Websaydka Xisbiga: qaransoor.so
Emayl: xisbiga@qaransoor.so
Haddii aad su’aal qabto ama aad rabto macluumaad ku saabsan Xisbiga Qaransoor nagala soo xariir emaylka:
weydii@qaransoor.com

Haddii aad kamid tahay xubnaha xisbiga Qaransoor meel walbo aad dunida ka joogto waxaad nagala soo xariiri kartaa emaylka: xubnaha@qaransoor.so _
Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka:
guddoomiyaha-abdijabaar@qaransoor.so

Wararka, war saxaafaadeedyada iyo warbixinada xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka: xafiiska-wararka@qaransoor.so _
Wareysiyada iyo ka qeyb-galka doodaha kala xariir emaylka:
wareysiyada@qaransoor.so
_ Twitter @qaransoor _
Intagram
Xisbiga.qaransoor

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top