WAR SAXAAFADEED “Waa nasiib xumo in dhiig la daadiyo.”


Innaalillaah waa innaa illaahay raajucuun ? illaahay ha u naxariisto dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen wiilashii Soomaaliyeed ee ku geeriyooaday iska hor imaadka xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dadka ku dhaawacmay sidoo kale illaahay caafimaad degdeg ha siiyo.

Waa nasiib xumo in dhiig Soomaaliyeed la daadiyo. Haddii dastuurka dhigaayo in shacabka Soomaaliyeed ay mudaharaadi karaan ayna tahay qodob dastuuri ah in loo diido ma ahan. Maxaa yeelay, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si cad u qeexaya xuquuqda qofka Soomaaliga ah, Shacabkana waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigi karaan fikirkooda iyo aragtidooda ku aadan qaranka. Waxaana horey digniin iyo talo soo jeedin ugu dirnay shacabka, masuuliyiinta Soomaaliyeed iyo musharaxiinta in la iska illaaliyo iska hor imaad ka dhaca labada ciidan (ciidanka dowladda iyo kuwa illaalada musharaxiinta) xaqiiqdii weyna dhacday wixii aan ka cabsoonaynay inay dhacaan. Waadna dareemi kartaan waxa ka dhaci kara marka labo ciidan la is hor fadhiisiyo, horeyba waxaa u dhacday in ciidamada dowladda dhexdooda isku dhaceen markii ay kala shakiyeen.

Xisbiga Qaransoor wuxuu markale soo jeedinayaa talo wax ku ool ah:,

Waxwalbo ha laga horeysiiyo danta qaranka. Kursiga ugu sareeyo ee dalka qofkii illaahay u qorsheeyey ayaa ku fadhiisan doona marka aan illaalino amniga aan maanta haysano. ”Qofwalbo ficiladiisa taariikhda ayay geli doonaan” ee aan ka tagno taariikh fiican. Kursiga waxaa ka muhiimsan badbaadinta shacabka iyo qarannimada Soomaaliyeed. Inkastoo madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday tanaasul badan sameeyey hadana eeda ugu weyn asiga ayay dusha ka foolaysaa waxwalbo oo dhacay, waxaana loogu baahan yahay inuu masuuliyad iska saaro xalka doorashada dalka waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wabillaahi Towfiiq

19.02.2021

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top