Xisbiga Qaransoor wuxuu tacsi u dirayaa dhammaan umada Soomaaliyeed, ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen illaahay ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Luul Yemeni degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Dadkii ku dhaawacmayna illaahay swc caafimaad degdeg ah ha siiyo.
“Innaalillaah waa innaa illaahay raajucuun’ Jannada Illaahay haka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay, dadkii ku dhaawacmayna illaahay waxaan ugu baryayaa caafimaad degdeg inuu illaahay siiyo. Qaraxyadan faraha badan oo aan joogsiga lahayn waxa ay ina tusinaysaa in dalkaan aysan maamuli karin dad gaar ah oo kali madamaa nolosha dadkeena ay sii liidanayso, dhimashada foosha xunna ay usii dheer tahay, waxaana la joogaa wakhtigii laga gudbi lahaa aragtida foosha xun ee 4.5. Waa aragti fool xun, aragtiyada siyaasaddeed ee dunida ka jira meelna kama soo gasho, diinta islaamkana meel kama soo galo. Waxa aan ummada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo istaago isbeddel siyaasaddeed si nolosha dadkeenna iyo dalkeenaba loo badbaadiyo – Illaahay ayaa wax badbaadiye” – Cabdijabaar Sh. Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance. – Qaraxa ayaa ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Luul Yemeni oo u dhow dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab. Guryo ka ag dhow goobta ayaa la sheegay inay dumeen, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.
#XafiiskaWararka ee xisbiga Qaransoor