Dhageysiga dacwadda badda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha Maarso sida markii horeba qorshuhu ahaa. Kiiska badda Soomaaliya ee ay dowladda Kenya muranka gelisay waxaa dowladda dhexe loogu baahan yahay inay la imaado qaabkii loo soo celin lahaa baddeena muranka la geliyay.
Dowladdana waxaa ka muuqato diyaar garoow la?aan, sida ka muuqato waxaa ugu muhiimsan doorashada. Waxaanu aragnaa in dowladda dhexe inta badan ay ku mashquulsan tahay doorasho, halkii loo baahnaa in sidoo kale ay xoogga saarto kiiska badda.
Badda iyo bariga Soomaaliyeed marna ma geli karo gorgortan iwm. Kenya waxay horey u haysatay dhul soomaaliyeed oo aad u baaxad weyn (Gobolka Waqooyi bari oo ay Kenya xoogga ku haysato), xaqiiqdii waa wax laga xishoodo in ay hadana badda usoo dhigato.
Waxaa laga yaabaa in dowladda Kenya ay tiraahdo ?si aad baddiina u heshaan ama aan inkeega haro dacwada ha la iisoo celiyo lacagtii la iga cunay? sababtoo ah dowaldda Kenya wey ogtahay in waxa ay ku doodayso aysan iyada lahayn oo ay lacag ku bixisay miiska hoostiisa (qaab musuqmaasuq ah) si ay u hesho baddaas lagu sheegay qayraadka badan.
Badda muranka la geliyey waa 100,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo leh saliid iyo gaas aad u fara badan. Go?aanka Maxmakada, waxaa laga yabaa in dowladda Soomaaliya la yiraahdo ?bixiya lacagta aad Kenya ka qaadateen markii hore, halkaas waxaa ka dhalan karta in lacag Ribo ah nala saaro haddii ay dowladda oggalaato bixinta lacagtaas (lacagtaas waa lacag qaan ah oo ay bixin doonaan ummada Soomaaliyeed.)
Lacagta Kenya laga qaatay waxay ku bixisay Heshiis is-afgarad ah. Sanadkii 2009, Kenya iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah (MoU), sanadkii 2011-na waxay u geeyeen UN-ka. Labada dalba waxay soo bandhigeen fasiraad is khilaafsan oo ku saabsan Is-fahamka. Kenya waxay islamarkiiba soo bandhigtay in qaab maxkamada ka madax banaan lagu xalliyo madamaa mugdi soo dhex galay qaabka wax loo dhigay. In badan Kenya waxay isku dayday in madaxda Soomaalida ku caddaadiso in labada dal oo kali wada hadlaan.
DIGNIIN:- Kiiska badda Soomaaliya waxaa lugaha kula jira waddamada waaweyn ee reer galbeedka waxayna safka ugu jiraan labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya, mid walba wuxuu halkaas ka fiirsanayaa dalka u adeega danahooda shidaalka. Sidaas awgeed waa lagama maarmaan in masuuliyad adag la iska saaro sida ay wax u socdaan iyo qaababka aan isu difaaci karno.