War murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha Qaran ee Xisbiga Qaransoor

Maanta waxaa magaalada caasimadda dalka ee Muqdisho xisbiga Qaransoor uga qabsoomaya shirweyne Qaran halkaaso ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Fulinta sare iyo dhamaan xubnaha xisbiga.

Waxa kaloo shirweynaha kasoo qeeybgalay marti sharaf kale duwan oo ka kala socotay hay’addaha dawladda, bulshada rayidka, masuuliyiinta xisbiyada qaarkiisa iyo dhalinyarta.

Xisbiga Qaransoor ayaa shirweynaha kusoo bandhigay afkaarta iyo mabaadi’da uu u taaaganyahay, isagoo baaq u diray dawladda in doorasho qof iyo cod ah laga shaqeeyo sidii dalka uga qabsoomi lahayd. Intaa wax kaloo dheer, in golaha fulinta sare ee xisbiga ay doorteen xubnihii hoggaamin lahaa xisbiga 5-ta sano ee socoto sida dastuurka xisbiga dhigayo.

Xisbiga ayaa doortay xubnaha hoos ku xusan oo loo doortay xilalka sare ee xisbiga muddo shan (5) sanaddood ah:

  1. Mudane, Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Hogaamiyaha Xisbiga Qaransoor
  2. Mudane, Jibriil Maxamed Axmed, Guddoomiyaha xisbiga Qaransoor

Labada masuul ee ugu sarreeysa xisbiga ayaa caddeeyay in muhiim ay tahay in dalku ka gudbo nidaamka 4.5 ee khaldan ee dalka lagu maamulo si xasillooni iyo barwaaqo loo gaaro. Waxaa kaloo xubnaha xisbiga dhamaan hanbalyo u direen xubnaha la doortay iyagoo u rajeeyay in eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top