Maxamed Afrax

Maxamed Aadan ?Afrax waa Xoghaayaha guud ee xisbiga Qaransoor. Wuxuu ku dhashay degmada Afgooye, Shabelleda Hoose, Soomaaliya. Waa muwaadin Somaaliyeed oo aaminsan in loo baahan yahay jiritaanka qarannimo Soomaaliyeed oo xoogan.

Wuxuu jaamacada heerkiisa koowaad ku qaatay dalka Yemen, wuxuuna bartay Maamulka iyo Maareynta. Wuxuu gudaha dalka Yemen lasoo shaqeeyey haayado kala duwan sida haayada ADRA oo ah haayad qeyri ah, machadka OSCAR uu macalin ka ahaa, Xoghaayaha Guud ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Yemen.? Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyey gudaha dalka, wuxuu bare Jaamacadeed ka yahay Golden University oo ku taalo magaalada Muqdisho, Soomaaliya.? Sidoo kale bare iyo Maamule Dugsiga Hoose Dhaxe Banaadir iskuul, sidoo kale? waxa uu maamule ka ahaa Xarunta Tabbabarka Xirfadleyda ee Top Center.

Wakhtigaan la joogo wuxuu u xuub siibtay sidii uu qarankiisa ugu hiilin lahaa, wuxuuna maanta ka tirsan yahay Xisbiga Qaransoor.

Barasho Wanaagsan!

Scroll to Top