Asma Ibraahim waa Qoraa wax ka qorta Arimaha waddaniyada una olalaysa. Sidoo kale waa xubin ka tirsan Xisbiga Qaransoor.
Waxay ku dhalatay Magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya. Waa gabar Soomaaliyeed oo rumeysan in loo baahan yahay samatabixin dalka iyo dadkaba sidoo kalana ay ku weyn tahay Soomaalinnimada, Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed.
Waxay ka wax barataa mid ka mid ah jaamacadaha dalka, waxay ka daraasaysaa Culuumta Siyaasada iyo Xiriirada Caalamiga. Waxay diyaar u tahay dhalinta asaageed ah inay ku dhiirageliso doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin wadanka misna ay dareemaan macaaanka ay leedahay wadaniyada, waana sababta ay ugu soo biirtay Xisbiga Qaransoor.
Waxay tiri:,
Hadafkeyga waa: Dhalintoo is raacda, Ka dhiidhisa qabyaalada, Dhalisa nabad waarta, Dhexda xerta iminkaba
Barasho Wanaagsan!