Boos Banaan

Xisbiga Qaransoor malahan maanta hoggaamiye si rasmi ah loo doortay, sababaha jira ayaa ah waxaan raadinaynaa hoggaamiye daacad ah, dhaqankiisuna yahay run-sheegis oo u qalmo inuu hoggaamiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.?

? Halkaan hoose ka akhriso sharuudaha loogu baahan yahay hoggaamiyaha xisbiga Qaransoor.

Qodobka 21aad ee dastuurka xisbiga: Hoggaamiyaha Xisbiga

  1. Hogaamiyaha xisbiga waxa dooranaya Shirwaynaha Xisbiga.
  2. Hoggaamiyaha waa qofka u tartamaayo Madaxweynaha dalka, waxa uu guddoominayaa shirwaynaha iyo fadhiyada golaha qaranka.
  3. ?Hoggaamiyaha waa inuu noqdaa hoggaamiye ka madax-banaan qabiil iyo koox kooxaysi, waa inuu noqdaa u doodaha dhibanaha iyo dadka xaquuqdooda laga inkiray.
  4. Hoggaamiye fulin kara mabaadii’da Xisbiga Qaransoor si qaranka loo marti sooro.
  5. Wuxuu masuul ka yahay diyaarinta hindise hoggaamineed ka, qorshaha istiraatiijiga ah ee lagu balaarinayo taageerayaasha xisbiga heer federaal, gobol, degmooyin iyo laamaha dibidda.
  6. Wuxuu baadigoobayaa taageerada maadiga iyo tan macnawiga ah ee xisbiga
  7. Wuxuu bidhaaminayaa hiraalada fog iyo hiigsiga xisbiga Qaransoor, wuxuuna saxiixaa heshiisyada iyo qoraalada rasmiga ah ee xisbiga.
  8. Waxa uu magaca xisbiga ku saxiixi karaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbiyada kale ka dib marka ay Golaha Fulinta ku ogolaato cod haldheeriya ah, dabadeed waxaa la hor keenayaa fadhiga ugu horeeya ee Galaha Qaranka.
  9. Wuxuu ku hadlaa magaca xisbiga kagana qayb gali karaa shirarka gudaha iyo dibada isaga oo aan ku xadgudbayn xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

Email: weydii@qaransoor.so

Telefoon:?+252 61 4555333

Scroll to Top