Qudbada Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga Qaransoor

Salaamu caleykum.

Ugu horreyn Alle ayaa mahad iska leh oo ii suurtageliyay inaan ku guuleeysto masuuliyaddan culus. Waxan si gaar ah u mahadcelinaya Hogaamiyaha Xisbiga Qaransoor Mudane Cabdijabaar Sh.Axmed oo runtii kaalin weyn ka geeystay olalahyga doorashada, iyo dhamaan golaha fulinta xisbiga oo codkooda i siiyay iyo ugu danbeyn asxaabta kale oo dhan ee olalaha ka qeeyqaadatay.

Sidaan hore u ballaanqaday, ka guddoomiye ahaan waxa iga go’an inaan ka dhabeeyo qorsheyaalka ii yaalla, Ka xisbi ahaana waxaanu xooga saari doona in si daacad in aynu ugu adeegno shacabkeenna.

Qorsheyaalka aan xooga saari doono muddo xilleedkeyg waxa kamid ah:

  1. Inaan ka shaqayn doono sidii loo soo dhisi lahaa unugyada xisbiga ee goballada iyo Degmooyinka iyo xisbigu siduu wakiillo ugu yeelan lahaa xafiisyadaas. Iyadoo yoolkeenu fog noqonayo in ugu yaraan 50kun xubno uu helo halka aan filayno in taageerada xisbiga aanu gaadhsiino 600Kun shanto sano ee soo socota, eebbe idamkii.
  2. Inaan xisbi ahaan la dagaallami doono nidaamka gurracan ee lagu maamuli dalka ee 4.5 iyadoo xoogga aan saari doono sidii bulshadu waxyi fiican uga heli lahayd. Inagoo daaha ka qaadi doono siyaasaddaha is-diidan ee nidaamkaasi keenay. Iyo in jagooyinka xisbiga aan ka ilaalin doono in hab 4.5 lagu qeeybsado.
  3. Ugu danbeyn, waxaanu xooga saari doono in la helo isbahaysi ay ku mideeysanyihiin dhamaan xisbiyada nala mabaad’ida ah halkaaso aan olale xoogan galin doono si mabaadi’deena u dhaqangasho oo dawladdana aynu cadaadis ba’an u saarno si dalku doorasho qof iyo cod ah uga qabsoonto.

Intaasi qorshe iyo kuwa kaloo waxaan rajeeynayaa aniga iyo dhamaan golahayga fulinta inaan aad uga shaqeyn doono. Anigoo ka codsanaya xubnaha sharafta leh ee xisbiga iyo golaha fulinta in si dhaw aynu u wada shaqeeyno si himilada xisbiga aan uga dhabeeyno una gaarno hiigsigeenna.

WABILAAHI TAWFIIQ

“Qaransoor waa kii shacabkee, yaan loo kala harin”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top