Xil Magacaabis: Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha

Xisbiga Qaransoor wuxuu maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 09.08.2020 xil u magacaabay Jibriil Maxamed Axmed oo noqon doona Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Qaransoor.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa lagu shaaciyey in Jibriil Maxamed Axmed uu noqon doono Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha ee xisbiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha ee xisbiga ay tahay laan ka mid ah Golaha Fulinta ee Xisbiga, waxaana horyaalo hawlo muhiim u ah xisbiga Qaransoor. “Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaan baadi-goob ugu jiray sidii aan ku heli lahaa qof kasoo bixi karo xilka Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Qaransoor. Markii aan arkay hawlkarnimada iyo waxqabadka uu illaahay ?s.w.c heybad gaar leh u siiyay Jibriil Maxamed ayaan waxaan go?aansaday inaan u magacaabo xilka Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha.” ayuu yiri guddoomiyaha.

“Anigoo ah Cabdijabaar Sh. Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor maanta oo ay taariikhdu tahay 09.08.2020 waxaan xilka Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Qaransoor u magacaabay Jibriil Maxamed Axmed. Waxaan rajeynayaa inuu hawshiisa u gudan doona sida waajibka ku ah. Laga bilaabo taariikhda maanta oo ay tahay 09.08.2020 Madaxa Siyaasada Arrimaha Gudaha waa Jibriil Maxamed Axmed Shaqada xilkaan waxay bilaabanaysaa isla maanta oo ay taariikhdu tahay 09.08.2020 ? 09.08.2025” ayuu ku caddeeyey warqada magacaabista. Qoraalka warqadaan oo dhammeystiran halkaan hoose ka akhriso.

Waa kumaa Jibriil Maxamed Axmed?

Khibraddo Shaqo:

Jebril Maxamed wuxuu ahaa safiirka hay’adda Association of Afrikan Descendents u fadhiya Midawga Afrika. Shaqadiisu waxay ahayd inuu ka shaqeeyo isku-xidhka labada hay’addood, soo bandhigidda danaha hay’adda uu ku matalo golaha, iyo wuxuu isku duwe ka ahaa mashaariicda ay hay’adda qabato. Shaqadii ugu muhiimsanayd uu qabtay waxay ahayd mid ay ku diyaariyay barnaamij uu ugu magac daray New Afrikan Civilazational and Developmental agenda, kaaso soo bandhigayay qaab-dhaqmeed siyaasadeed oo Afrika la hirgelin karo. Jebril wuxuu hay’addan kasoo ahaa Executive Director for East Northern Africa.

Jebril wuxuu kaloo ahaa country director u ahaa hay’adda Dhalinyarada isbeddel doonka afrikaanta ah ee Great Minds Empire. Shaqadiisu waxay ahayd in isku-xidhka dhalinyarada dalka iyo kuwa general Secretariat. Intuu xilkan hayay wuxuu ku guuleeystay in dhalinyarta ay u qabtaan siminaaro oo lagu hormarinayo xirfadfaha hogaamineed, Jibriil markuu hay’adda ka tagayay ilaa 150 arday buu ka shaqeeyay sidii xirfaddo hogaamiye u yeelan lahaayen.

Jibriil oo ah dadka u olaleeya haweenka iyo dhalinyarta, wuxuu hay’adda Orphanage and Destitute uu ahaa isku-duwaha mashruuca Gender Based Violence Officer. Shaqadiisu waxay ahayd inuu soo bandhigo sharciyo looga hortagiyo tacdiyaha loo geeysto dumarka. Wuxuu kaloo soo saadhi jiray farriimaha wacyigelinta. Waxay isaga iyo kooxdiisa ku guuleeysteen i bulshada ay wacyigelin uga sameeyan tacdiyahan dumarka loo geeysto.

Jebril wuxuu kaloo fallanqeeye siyaasadeed uu u ahaa Telefishanka National Telegraph. Wuxuu kaloo maqaallo badan uu kaga warramayo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka uu ku qoray warbaahinada sida Modernghana, Somalitopnews iyo kuwa kaloo.

Waxbarasho:

-Jebriil wuxuu shahaadda heerks labaad ee Maareeynta maamulka iyo arrimaha siyaasadda ka heeysta jaamacadda addis ababa. Wuxuu shahaaddadii heerka koowaad ee Xidhiidhka caalamka iyo arrimaha siyaasadda ka heeysta Jaamacadda Riftvalley University.

Jibriil wuxuu u istaagay u hiilinta dalkiisa iyo dadkiisa maantana wuxuu ka tirsan yahay?Xisbiga Qaransoor.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top