Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor ahna Musharax u taaggan xilka Hoggaamiyaha Xisbiga Qaransoor mudane Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil ayaa kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dhulka Hooyo, mudane Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii hal dhinac loogu soo horjeesan lahaa qaabka dalka loogu saari lahaa nidaamka hadda lagu xukumo ee (4.5) kaasoo duleystay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana la isla gartay si loo abuuro xaddaarad cusub ee Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan ah in horey-u-socodnimo la sameeyo baaqna loo jeediyo xisbiyada dalka ka jira sidii ay qeyb ugu noqon lahayeen isbeddelada ay u baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Labada xisbi ayaa sidoo kale kawada hadlay fursadaha dhalinyarada ay heli karaan iyo gaabiska jira. Guud ahaan, waxaa la isla gartay wadashaqeynta labada xisbi in muhiimad gaar ah la siiyo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Dhulka Hooyo mudane Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal ayaa ahaa musharax u taaggan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2022. Labada Xisbi ayaa isu dhaw xagga afkaarta iyo mabaadiida ay u taagan yihiin: Xisbiga Dhulka Hooyo ayaa aaminsan in la dhiso dawlad qaran oo Dastuuri dimuquraadi ah kuna dhisan sareynta sharciga, caddaalad garsoor, dawladnimo xooggan iyo xasilooni waarta ee dhaqaale iyo siyaasadeed.
Halka Xisbiga Qaransoor aaminsan yahay sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
Gunnaanad, wadashaqeynta xisbiyada dalka iyo isbeddelada loo baahan yahay wakhti xaadirkaan si loo abuuro xaddaarad cusub ee Soomaaliyeed ayaa sal u ah jiritaanka Xisbiga Qaransoor.