Kaalinta Dhallinyarada ee Isbeddelka iyo Horumarka Bulshada iyo Fursadaha ay ka Heli Karaaan Ka Mid Noqoshada Xisbiga Qaransoor

Dhallinyaradu waa tiirka ugu muhiimsan ee bulsho kasta ka taageera isbeddelka iyo horumarka. Waa jiilka leh tamar, hal-abuur, iyo fikrado cusub oo bulshadu ku gaari karto horumar waara. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay maanta haystaan fursad dahabi ah oo ay kaga qayb qaadan karaan isbeddel dhab ah oo siyaasadeed iyo bulsho, iyagoo garab taagan xisbiga Qaransoor (Q) — xisbi isbeddel doon dhab ah oo la aasaasay 15 Maarso, 2020.

Xisbiga Qaransoor wuxuu hiigsanayaa inuu dalka ka hirgeliyo dib u habeyn siyaasadeed oo cusub, taasoo ku dhisan daahfurnaan, cadaalad, iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed. Ujeedadiisu ugu weyn waa ilaalinta, helitaanka iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed, taasoo dhalinyaradu door muuqda ku yeelan karaan. Qaransoor wuxuu fahamsan yahay in aan isbeddel dhab ah imaan karin haddii dhalinyarada aan lagu dhiirrigelin inay ka qayb qaataan hoggaanka iyo go’aan qaadashada siyaasadeed ee dalka.

Dhallinyarada ku biirta xisbiga Qaransoor waxaa u furan fursado badan sida tababaro hoggaamineed, ka qaybgalka barnaamijyada siyaasadeed, iyo ka mid noqoshada gudiyada xisbiga ee heer qaran, inay noqon karaan musharaxiinta doorashada Golaha Deegaanka.. Sidoo kale, Qaransoor wuxuu dhiirrigeliyaa hal-abuurka dhalinyarada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta bulshada, shaqo-abuurka, iyo tiknoolajiyadda casriga ah.

Marka ay dhalinyaradu ku biiraan Qaransoor, waxay helayaan meel ay ku muujiyaan kartidooda, codkooda, iyo hanka ay u qabaan dhisidda mustaqbal ifaya. Qaransoor waa madal isbeddel doon ah oo dhalinyaradu ay ku hormarin karaan naftooda iyo dalkoodaba, iyagoo noqda hormuudka dib u habeynta siyaasadeed ee cusub ee lagu ilaaliyo qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *