Dowladnimada Soomaaliya maanta waxay ku dhisan tahay waxa ay ugu yeereen ‘Nidaam’ 4.5, iyadoo aanan cadeyn dhab ah loo haynin ama aan tirokoob lagu sameynin bulshada ayaa waxaa la yiri adinka waa la inka sareeyaa oo waa la idinka tiro badan yahay.
Sida aan ogsoonahay ma ahan aragti ay Soomaali oo dhan kawada fadhiisatay oo laga wada heshiiyey bulshadana ay qeyb ka noqotay in nidaamkaas lagu xukumo. ‘heshiis bulsho’ eraygaas siyaasad ahaan ee luuqada ingiriiska wuxuu noqonayaa ”Social contract” Xiriirka ka dhexeeya xuquuqda dabiiciga ah iyo kan sharciga inta badan waa mowduuc ka mid ah aragtida heshiiska bulshada.
Waxaa jirta cabsi laga qabo haddii dalka aado doorasho qof iyo cod in qabiilada aanan hubaysneen ay qadaan?
Haa waa macquul maxaa yeelay waxay waayi-karaan xaquuqdoodii muwaadinnimo, laakiin sida kali ee lagu sugi karo xaquuqdooda ayaa ah in marka nidaam dowlad la dhisaayo ay qeyb ka noqdaan waliba si dadban iyo si toos ahba.
Qorshayaashaasi waxaa horey usoo bandhigay oo ay kamid tahay mabaadiida xisbiga Qaransoor oo aad ka heli kartaan gudaha websaydkeena. Sida xisbiga Qaransoor aaminsanyahay ayaa ah in lagu guulaysan karo siyaasad loo dhanyahay, loona wada siman yahay, waa haddii ay masuuliyadaasi masuul ka noqdaan dad u jajaban jecelna dowladnimada, qarannimada iyo inay arkaan ummad Soomaaliyeed oo horumar gaarto.
Sinaan la’aantu kaliya maahan mid anshax xumo ah, sidoo kale dhaqaale ahaan waa mid aan fiicnayn, siyaasad ahaana waa mid wax duminaysa, kala qaybsanaanta bulshada, iyo bey’adda oo ay burburinayso.
Qaabka caadiga ah ee dimoqraadiyadda, dawlada Soomaaliya waxaa loogu baahan yahay inay la imaado siyaasad wada-ogal ah, iyadoo laga dhigaya siyaasadaha guud mid xoogga saarayso inta badan muwaadiniinta, iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ama aanan qoriga qaadanin wakhtigii dagaalka sokeeye. Soomaaliya ma ahan qoomiyado kala duwan oo kala af ah ‘laakiin lahjad ayaa jirta’ sidaas awgeed mabda’a sinnaanta siyaasadeed waa mawduuc miiska saaran.
Nidaamyada siyaasadeed ee dimoqraadiga casriga ayaa ah in dhammaan muwaadiniintu ay leeyihiin fursado loo siman yahay oo lagu qaabeeyo ka mid noqoshada dawladaha ay doorteen iyo siyaasadaha dadweynaha.
Sinaan la’aanta siyaasadeed waxaa lagu muujin karaa madaxbanaanida kelitalisnimada, waxaa si siman loogu muujin karaa gumeysi, saameyn shisheeye, iyo xakameyn ama boqortooyo dhaqaale. Sinaan la’aanta siyaasadeed waxay keenaysaa sinaan la’aan bulsho iyo kala fogaansho, dan la’aan, fadhiidnimo iyo dhiig-miirasho, waxaana ka dhalan kara siyaasad ama qaran dumis iyo kacaan ama faragelin shisheeye.

Sinnaan la’aanta siyaasadeed waa marka shaqsiyaadka ama kooxaha qaarkood ay saameyn weyn ku yeeshaan go’aan gaarista siyaasadeed ayna ka faa’iideystaan natiijooyinka aan loo sinneyn ee loo maro go’aannadaas, in kasta oo loo siman yahay hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Sidan oo kale, waxay wiiqaysaa himilada dimoqraadiyeed ee udub dhexaad u ah bulshada Soomaaliyeed: in dhammaan muwaadiniinta, iyadoon loo eegin heerka, ay tahay in la siiyo tixgelin siman iyo fursad ay saameyn ugu yeeshaan go’aan qaadashada siyaasadeed ee wada-ogalka ah.
Caddaalad in la dhiso oo lagu dhaqmo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagan tahay Xisbiga Qaransoor, haddiise la waayo waxaa la waayi Madaxda iyo Dowladnimada sidii loo waayay Dowladnimadii Soomaaliya. – Cadaalada waa doorka Nabada iyo Dib u heshiisiinta bulshada.
Waxaad ogataan “Soomaaliya uma baahno rag xoog leh laakiin waxay u baahan tahay hay’addo dowladeed oo adag. In kasta oo baahi weyn loo qabo hoggaan waxqabad leh, haddana Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ado madax-bannaan oo cabsi gelin kara masuuliyiinta dalka xukuma. Haddii aan la helin hay’ado hagaagsan, Soomaaliya waxay ku hungoobi doontaa gacanta hoggaamiyayaal is-xilqaamay oo aan ixtiraamayn xukunka sharciga iyo dadka.”