Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa warqad Hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed oo ku aadan huska maalinta 15 maay ee ururkii SYL

Anigoo ah Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed waxaan halkaan ugu Hambalyeynayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan iyo halgamayaasha maanta ee Xisbiga Qaransoor.

Maanta oo kale xisbiga SYL, Subaxnimadii 15 Maay 1943, waa wakhtigii ay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday, Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaana jiray dareen wadaniyadeed, dadnimo iyo baahi loo qabo qarannimada Soomaaliyeed. Sidoo kale ku darso waxay ahayeen kuwa aan intooda badan aqoon badan aan lahayn, marka la isu barbardhigo dhalinyarada maanta jira ee Soomaaliyeed.

Dhalinyaro waxaa la joogaa wakhtigii aad masuul ka noqon lahaydeen naftiina, sharafta qarankeena, dib-usoo celinta xasilloonida iyo karaamadii Soomaaliyeed. Sida kali ee aad masuuliyadaasi u qaadi kartaan waa inaad isweydiisaan ‘Kumaan ahay aniga? ‘Maxaa faa’ido ah ayaa ku jira jiritaanka qoomiyadeyda Soomaaliyeed? ‘Yaa ii diidan inaan noolaado? ‘Yaa ka shaqeeya bahdilka sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed? ‘Maxaase ka qaban karaa hadda? Dhammaan su’aalahaas waad isweydiisaa waa haddii aad tahay qof damiirkiisa taagan yahay, caqli togana ku fikira. Waa la joogaa wakhtigii aad heli lahayd jawaabaha saxda ah.

Illaa iyo hadda Soomaaliya ma aysan helin siyaasiyiin ku midaysan midnimada, xoojinta iyo xaqiijinta himilooyinka ummada Soomaaliyeed. Kala aragti duwanaanshahaasi wuxuu horseed u yahay dib-u-dhac, xoojinta danaha shisheeye, kala qeybsanaanta ummada iwm. Sida kali ee xal waara lagu gaari karo waa in dalka uu helo hoggaamiye aragti fog leh kuna haga dalka sinnaan iyo caddaalad si burwaaqo loo gaaro.

Xisbiga Qaransoor intii uu jiray wuxuu xoogga saaray kaalinta ay dhalinyarada ku yeelan karaan go’aan ka gaadhista dalkooda asigoo xisbiga dhalinyarada usoo bandhigayo kamid noqoshada xisbiga Qaransoor iyo kaalinta loogu baahan yahay inay ka qeyb-qaataan dalkooda iwm.

Hiigsiga Xisbiga Qaransoor ayaa ah sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.
‘Maanta waxaa la joogaa wakhtigii laga dhabeyn lahaa riyada aan ku riyoono maalin walbo.’


Hambalyo Dhalinyaro!
Cabdijabaar Sh. Axmed

XisbigaQaransoor

Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Websaydka Xisbiga: qaransoor.so
Emayl: xisbiga@qaransoor.so

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top