Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor ayaa u magacaabay Aamiin Daahir Cabdi Kuxigeenka Madaxa Warfaafinta ee Xisbiga Qaransoor

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha u magacaabay Aamiin Daahir Cabdi, Kuxigeenka Madaxa Warfaafinta ee Xisbiga Qaransoor.

Taariikhda marka ay ahayd 18 oktoober 2021, waxaa xafiiska Guddoomiyaha ka soo baxday warqad lagu magacaabay masuulkaan cusub.

“Anigoo ah Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, Cabdijabaar Sh.Axmed waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 18 oktoober 2021 u magacaabay Kuxigeenka Madaxa Warfaafinta ee Xisbiga Qaransoor Aamiin Daahir Cabdi.”

– Ayaa lagu yiri warqada

Booskaan cusub ee loo magacaabay Aamiin Daahir Cabdi wuxuu ahaa boos ka banaanaa Xisbiga. Sida ka muuqata warqada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor ayaa lagu sheegay in masuulkaan cusub yahay shaqsi firfircoon, aqoon iyo karti ay u wehliso leeyahay una qalmo booskaan.

“Markii aan arkay firfircoonida iyo aqoonta oo ay kartida wehliso wuxuu illaahay swc i garaadsiiyey in Aamiin Daahir yahay shaqsigii isbeddel badan u horseedi lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan. Waxaan illaahay ugu baryayaa inuu noqdo shaqsigii ka soo bixi lahaa masuuliyadsaasi. Sidoo kale, dhammaan Xubnaha sharafta leh ee katirsan Xisbiga Qaransoor waxaan ka codsanayaa in si dhow ula shaqeeyaan masuulkaan cusub.” – ayaa lagu warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor, mudane Cabdijabaar Sh. Axmed.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor

Xafiiska Wararka

____________________________________________________________

Diyaar ma u tahay inaad qeyb ka noqoto isbedelka aan doonayno?

Lambarka Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Qaransoor: +252 61 4555 333
Emayl: xisbiga@qaransoor.so
Haddii aad su’aal qabto ama aad rabto macluumaad ku saabsan Xisbiga Qaransoor nagala soo xariir emaylka:
weydii@qaransoor.so

Haddii aad kamid tahay xubnaha xisbiga Qaransoor meel walbo aad dunida ka joogto waxaad nagala soo xariiri kartaa emaylka: xubnaha@qaransoor.so
Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka:
guddoomiyaha@qaransoor.so

Wararka, war saxaafaadeedyada iyo warbixinada xisbiga Qaransoor kala xariir emaylka: xafiiska-wararka@qaransoor.so
Wareysiyada iyo ka qeyb-galka doodaha kala xariir emaylka:
wareysiyada@qaransoor.so
_ Twitter @qaransoor _
Intagram
Xisbiga.qaransoor

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top