Jibriil Maxamed
Tan iyo markii la aasaasay maarso, 2020, Xisbiga Qaransoor (Q) ayaa raba inuu dalka ka hirgeliyo dib u habeyn siyaasadeed oo cusub, inuu la yimaado fikir iyo dhaqdhaqaaq dhiirigeliya danaha ummada, gaar ahaan ujeedada laga leeyahay ayaa ah helitaanka iyo jiritaanka qarannimada ummada Soomaaliyeed.
Jibriil Maxamed waa guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbiga Qaransoor ugu doortay si ku meel gaar ah (Guddoomiye KMG).
Marka uu xisbiga arkay waxqabadkiisa hawlkarnimo, hoggaanka hufan uu leeyahay iyo heerka uu maanta soo gaarsiiyey xisbiga Qaransoor sida dhisida nidaam kala dambeyn leh, nidaamyada isla xisaabtanka ku dhisan, qibrada aqooneed uu ku dhisi karo urur siyaasadeed casri ah oo la jaan qaadi karo dunida, lana jaan-qaadi karo siyaasada ka jirta gudaha Soomaaliya iyo jaceylka uu u qabo inuu arko Soomaaliya oo nabad ah ayaa xisbiga wuxuu go’aan ku gaaray in Mudane Cabdijabaar Sh. Axmed u doorto guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor 5-ta sano ee soo socoto.
Wuxuu xilka guddoomiyaha Xisbiga Qaransoor hayn doonaa laga bilaabo 1, agoosto 2020 – 1, agoosto 2025 (01.08.2020 illaa 01.08.2025)
Xisbiga ayaa barta shirarka lagu qabsado ZOOM-ka ku ansixiyey inuu Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil yahay guddoomiyaha xisbiga Qaransoor.