“Cadawgeenna iyo Halgankeenna”

Dhibaatooyinka joogtada ah ee bulshada dhex taagan marwalba waxaa la sheega inay ka danbeeyan cadaw ku dhex jira bulshada oo khilaafadkan ay dani weyn ugu jirto.?

Maanta kuwa qaraxyada iyo weerarada u geeysta qarankeenna ee la magacbaxay Al-shabaab waxay u muuqdaan in ay yihiin cadawga kaliya aynu aragno, balse yay noqon kartaa cidda ay danta ugu jirto burburkeenna, iyo maxay hantidooda u geliyaan qorshahaan?

Cadawga wuxuu bulshooyinka u kala qeybiyaa kooxo, markastana koox buu si gooni ah ugu sheekeeya isagoo ku abuura neceyb ka hor yimaada wada-hadal caafimaad qaba in kooxahasi yeeshan. Cadawgu wuxuu sidaasi u sameeya cabsi uu ka qabo in kooxahaasi awood mideysan ay yeeshan.

Dadka uu iska horkeenayo cid kale ma ahan ee kuwii ku faa?idi lahaa kala-qeybsanaantaasi haddii meesha ay ka baxdo. Waa kuwa dhibaatooyinkooda xallismi lahaayeen. Waa kuwa hore usocodkooda uu cadawga hoos u dhac u keeni lahaa, dadkaasi dad kale ma aha ee waa DADKA SABOOLKA/XOOGSATADA AH.

Kala-dambeynta iyo wadanoolashaha waxay dhaliyaan dawladd ka shaqeysa horumarka dadka dabaqada hoose oo sinnaanta muwaadiniinta dhaqaale iyo bulsho ahaanba dhawrta, cadawga se dawladdu waxay u noqotaa caqbad kahor istaagta danahii gaarka uu lahaa sida sameynta lacag ee aad u badan.

Cadawgasi cid kale ma aha, waa ka dadaalka iyo sillica dadka kale ku taajira, waa kan dantiisa gaarka ah ka hormariya dadnimada, waa ka hammigiisu yahay gaadhista dabaqada sare, waa kan aan naxariista iyo waddaniyad aqoonin, waa kan isku tilmaama milkiilaha shirkaddaha waaweeyn. Waa isaga cadawga dhabta ah ee hortaagan dawladnimadeenna, waa midka dhexdeenna cabsida ku abuura si hawlahiisa ay ugu badbaadan.

Waxaana xusid mudan maanta haddii ay dhalato dawladd bixisa adeegyo caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah in ay u dhammaan doonto ganacsigii cadawga hantida badan kasoo gali jirtay.

Cadawgaasi si ajendihiisi uu ugu hirgelo wuxuu garab siiya kuwa uu rabo inay xukunka qabtaan. Kuwa xukunka qabtana iyagoo u daneynaaya cadawga waxay hoos u dhigaan sharci walboo dabaqada hoose kobac gaadhsiin lahaa. Waxaa la taaganyahay wakhtigii kacaanku bilaaban lahaa. Halgan kaliya bay dabaqada hoose ku guuleysan kartaa.

Halgankeennu wuxuu ilaalinaya sinnaanta bulshada, wuxuu hiigsanaya burburinta kala-qeybsanaanta dhex taalla dabaqada hoose sababtoo ah waxay dhisi karaan dawladd hoggaan u noqota caalamka.

Halgankeenna waxaa asal u ah hoos u dhigidda awoodda cadawgeena, cidkastoo ka hortimaada isbeddelka aan dooneyno waa kalkaaliyaha cadawgeenna.

Cadowga wuu noo muuqdaa, sida aan u diyaarsanahay ayay ku xirantahay guusheena, waa in uu bilowdaa halgankeenna, dagaalkan wuxuu hubin doona in dagaal danbe uusan dhicin.

Xisbiga Qaransoor wuxuu marwalbo u taagan yahay, taageero buuxdana u haayaa sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni, horumarinta laamaha sirdoonka iyo militariga, la dagaalanka xagjirnimada, dhisida nidaam waxbarasho oo ku dhisan tayo aqooneed iyo mid diineed.

Si’aad ugu mid noqoto halkaan iska diiwaan geli, waxaana la joogaa wakhtigii aad u hiilin lahayd qarankaaga.?https://qaransoor.so/xubin-ka-noqo/

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top